BALIGUBADLE MEDIA
Isu Mashxarado, Isma Ogaa La Yidhaahaa ( Abdi-shotaly)!
February 17, 2019 - Written by admin

Tuke ha iska qalaadee sidda keliya ee ay ummadani kaga bixi karaan xumaanta iyo waalidan lagu dhex dabaalanaayo, qaska, qabyaaladda, horu-mar la’aanta, kuna soo noqon karto mustaq-balkii iyo rajaddii dalkan iyo dad-kani qabay. Waa maamulka Askarta iyo gebi-haanba Kulmiye, oo laga saaro Saaxadda siyaasaddda, Ma jirto dariiqo kale oo kuu banaani. wax isu sheeg iyo kadaaya waa lagala quustay. ilayn waa siday door-bideen askartan falaniye. Muwaadin ma wax aad sii eegato baa hadhay, saw tan aad dib ugu noqotay Dawlad goboleed, ee uu caalamkii dhabarka inoo jeediyey, askar-tiina ay inaga isku keen jeedisay, ee ah kuwii uu sheegay ( IHN) Xaaji Aadan Af-qalooce,  mid-ba

shotaly

kuu ka liitay baa loo tiriyey xaf iis, sidda tixddii dalmar ee ay dhex-taalka u ahayd ” Iyaba waa Tabaaladda waKhtiga taynu arag-naaye” bal ilaahay baan idinku dhaarshee, waxa wasiir lagu sheegayaa nin hablaha Caaya” kaas oo taariikh-diisa la hayo iyo qaar uu u shir tegaayo kaasi, oo aanad cidi usgageed ku aamin-teen, baa geeri iyo mag la’aan kugu dhaxalay, oo aan ku qaraari-nayn haday kaa baxayso, adna aad ugu rixinaysaa ama u daba ordaysaa qabyaalad iyo reer hebel, ee goor maad ka madax banaanaan, oo aad dantaa garan doontaa, ma marka xabaasha lagugu rido, baad iilka ka soo qaylin doontaa, oo aad is odhan adoo godka aakhiro laga galo ku jira ( Xabaasha), wax ka bedel, imika baad wax qabsan karaysaa ee muwaadin feker.

Doqonkii inanta loo xareeyey, wuxu yidhi “Alla Caashaay Macaanaaye” waa tabta ay waxan dawladda sheega-nayaa ay u dhaqmaane. ee ay u leeyihiin ” Allahayw Jano ma galay” Horaa-se loo yidhi, Nimaan talin jirini haduu taliyo, nin talin jirey baa tagga. Haddii uu askarigu damiir iyo dareen wax dhaadda ama garta leeyahay, dalku sidaa muu ahaadeen, ee waa nacaskii intuu ninka legday yidhi, wallee kama kaco. Nin-ba meesha bugtaa isagay belbe-shaayoo, bogga hoosiyo beerka, bay baguugaa ka dhigtaayoo, bestii uu la noqdaayoo, markuu baala daymoodee, arko ruux bed-qaba, banaankaa ordya, uu ku buubo xanuun, bal miyuu yar bukoodiyo, ku habaara balaayo, cuqdad-biirtay ayaamo, buux-santoo ku dhamaatay, ayuu soo bandhi-gaayo, basarkaa ka xumaadda, hadba beel isku qaadda, beeshaas baa i bireysay, kulmiyaa baabi’iseen. waxan buuga ku oolin, ayuun buu babiyaa, hadaaq uun la butaaca, sidda baabka askariga, kala qaybiya beesha, beledkaa wadda joogta, in uu buuq geliyo, dagaal laysu badheedho, hoogayey badatoo, ku basbeello sidaa. miyeynu raali ka ahaan karnaa? Meel inoo fayoobi ma jirtee, bal ummad yahay u fiirsadda, mid derbi-yadda seexdda, oo bakhtigu u xalaal yahay, baa reer iyo mid aanu isku xaafad nahay baa kursiga ku fadhiya ku difaacaaya. Waxaas oo xume ah, kan hadoodi-layee hanjabaadda ku waashay, misna hoos ka qalaalan, hoorseed-kiisii khaldamay, hadalkii is dhex qaaday, hubaal maw aragteen. Akhristaw aan dib ugu soo noqdo sidda uu cinwaanka maqaalku inoo biniixi-naayo’e, bal ku soo dhawaw waa tane.

Isu mashxarado, isma ogaa la yidhaahaaye,  marka qof uu sas ka qaado, guulaha qayrkii gaadhay ama ku talaab-saday ( Siddii LIxle, Dhega-weyne, Kood-buur, Ahmed mire, Harag waafi, Maxamed cali, Mohamed mooge iyo qaar kaloo badan) ilayn meel islama soo tagai karee, ka bacdina uu soo haaban kari waayo ama gaadhi waayo, buu baf-baf aan sii ridnayn iyo kiis iska waal ku meeraystaa. Qofku markuu maskaxdda ka buko ee uu wax uun isku qafilo aanu uba dhalan, wadi karina, dawyo aan la marin bay kala dhaadhacdaa, dabeed wuu khali duuraa, carqalado buu isku abuuraa aan u dhawayn, una yimaadeen weliggii, ka xinka iyo xaasid-nimadda, reer hebel u daba ordaayo buu rakaab-sadaa ( Ilayn ey-ba-eyga qanjidhka u tuura buu daba raqleeyaaye), waxa-se uu ka siibtaa salaankii uu is lahaa fuul, isaga oo laban-leg-doonaaya buu dhulka ka soo go’aa, sidda qaar badan ku dhacday. Wakhtigu wuu is gurayaa, ficil-kaaguna wuu ka madhan yahay qaranimo, kaamana daahana, ee wax reer la yidhaaho baad u xeeba-naysaa, hadana waad cabaadaysaa, ee doc muwaadin isugu baydh. Ishaa macalin ah, neefka marka la qalo, mudo buu sii raftaa, oo is yidhaahaa kac, laakiin aakhirka way u run sheegtaa, oo wuu riiq daayaa markay ka dhamaato, markaasuu dhulka ogolaadaa, adiga iyo kulmiyana noocaas baad ku jirtaan, oo rafadkii ugu dambeeyey, baad cagaha laabta la dhacaysaan, siddii hal jibaaday, oo dhuun yeedhisay, welise kuuma qudh-qudh-sana, ee iska sii galgalo, inta ay si wacan kuu macasalaa-maynayso.

N.B Nimaan Talin Jirini, Haduu taliyo, Nin Talin Jirey Baa Tagga.

Qore:- Abdi-Shotaly

[email protected]

COMMENTS