BALIGUBADLE MEDIA
Heshiiska aan La Galnay Itoobiya Kuma Jirin in Hubka la Dhiggo “ONLF”
February 1, 2019 - Written by admin

Jabahadda Waddaniga Xureynta Ogadeniya (ONLF) ayaa sheegtay heshiiska ay la galeen Dowladda Fedraalka Itoobiya ay ku jirin in hubka laga dhigo jabhadda ONLF.

onlf
Hoggaanka Warfaafinta ONLF Maxamed Ibraahim oo war saxafadeed amuurtan ku saabsan oo ay jabhadda soo saartay akhriyey ayaa wuxuu sheegay “wadahadalladii iyo heshiiski Jabhadda ONLF iyo Dowladda Itoobiya ay wada galen inuu ka mid ahaa in ciidamada Jabhaddu ay ka mid noqdaan ciidamada amniga ee deegaanka”.

“Ciidamada Jabhadda iyo kuwa deegaanka sababta loo mideynayana ay tahay si nabadda iyo xasiloonida dalka loo wada ilaaliyo.”

Jabhadda oo ay ka go’an tahay meel marinta heshiiska ay la gashay dowladda Itoobiya mideynta ciidamadana waxaa ku howlan ayuu yiri “guddi isku dhaf ah laguna wado hab wada tashi ah lagana ilaaliyo wax kasta oo meel marinta heshiiskaasi wax u dhimayo”.

Ku xigenka H/Abaabulka iyo Arrimaha Gudaha Ibraahim Maxamed Amaan wuxuu sheegay “war saxafadeedkan inuu ka ka dhashay shir ay guddiga fulinta iyo golaha dhexe ee Jabhadda ONLF oo ka dhacay magaalada Jigjiga oo lagu falanqeeynayey qodob ka mid ah qodobbada heshiiska ay Jabhaddu la gashay dowladda Itoobiya oo ah qodobka Ciidamada”.

Ku xigeenka H/Daryeel ee jabhadda ONLF C/raxmaan Yuusuf Faarax oo ka mid ahaa xubnihi shirka jaraa’id soo jeediyey ayaa wuxuu sheegay “Umaddu iney mareyso xalaad xasaasi ah loogana gudbi karo umadda xooggeeda iyo xoolaheeda oo la mideeyo waxaan ka codsaneynaa cid kasta oo ay khuseyso arrintaa iyada ihii iney doorkeeda ka qaadato si umadda dhibka ay soo martay iyo wixi laga soo gudbay looga booga dhayo”

Magaalada Asmara ee caasimadda dalka Eritrea waxay wadahadallo ku dhex mareen xukuumadda Itoobiya iyo jabhadda ONLF, halkaas oo ay labada dhinac ku kala saxiixdeen heshiis nabadeed

Isha Ku Hay Baligubadlemedia

COMMENTS