BALIGUBADLE MEDIA
Golaha Wasiirrada Dawlad Goboleedka Puntland oo La Dhaariyey
February 12, 2019 - Written by admin

Golaha Xukuumadda Puntland ee uu dhowaan soo magacaabay madaxweynaha Puntland,Siciid Cabdullaahi Deni ayaa lagu dhaariyey xarunta madaxtooyadda Puntland ee magaalada Garoowe.

danney

Dhaarinta Golaha Xukuumadda cusub ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Madaxweynaha  Puntland ,Siciid Deni, Madaxweyne ku-xigeenka Puntland ,Axmed Cilmi Cismaan Karaash iyo  Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Puntland Dr.Yuusuf Xaaji Nuur, Waxaa goob joog u ahaa dhaarta 44 Wasiir, 4 Wasiir oo qaarkood dalka dibaddiisa jiraan kuwona cudurdaar shaqo sheegteen ayaan joogin dhaarta.

Madaxweynaha, Puntland iyo Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland ayaa kulan la qaatay dhaarta kadib Golaha Xukuumadda  Puntland, waxaana ay kula dardaarmeen Wasiirrada cusub inay si hufan, daacad ah, hawl-karnimo ah, sharciya ugu adeegaan diinta, dalka iyo dadkoodaba.

Ugu dambeyn,Madaxweynaha ayaa u sheegay Golahan Wasiirada in ay sugayso shaqo balaaran oo dasduuriya, taas oo ay ugu adeegayaan shacabka Puntland iyo guud ahaan kuwa Soomaliyeedba, isla’ markaana waxa uu Madaxweynuhu ku adkeeyey in ay ka feejignaadaan waxkasta oo ka xagal daacinaya shaqadooda.

Isha Ku Hay Baligubadlemedia

COMMENTS