BALIGUBADLE MEDIA
Gabiley Oo Ka Tanaasushay Doonistii Gobolnimadii Iyo Sababaha Keenay.
February 9, 2019 - Written by admin

Jiif Caaqil Dayib Cabdi Ciidle oo ka mid ah madax dhaqameedka Gabiley ayaa ka hadlay caqabadaha hortaagan qabsoomida doorashooyinka somaliland.

news1

Jiif  Caaqil Dayib Cabdi Ciidle oo ka hadlayey munaasibad ka dhacday Gabiley oo lagu shaacinayey murashax u tartamaya doorashada golaha wakiilada ayaa waxa uu si gaar ah ula hadlay shacabka gobolka Awdal, waxaanu yidhi “Gobolka Awdal waxaan leeyahay abtiyaal qof kasta saami ayuu u baahan yahay oo cid walba waxbaa ka maqan ee maanta doonistiisa dib u dhigta oo yeynaan dabar ku noqon doorashada ee haynoo dhacdo, xildhibaano idiin qabta waxaad doonaysaana keena.”

Sidoo kale waxa uu eedeeyey xildhibaanada golaha wakiilada oo uu xusay inaanay waxba qaban mudadii ay joogeen waxaanu yidhi “Waxaynu arkaynaa in xildhibaanada fadhiya 14-ka sanadood aanay waxba ka qaban dastuurka iyo dimuqraadiyada balse waxay dhigeen caqabado badan, si caqabadahaas looga gudbana waxaan leenahay doorashada halaga daayo dabarka.”

Mar uu ka hadlayey gobolnimada Gabiley ayaa waxa uu yidhi “Hadaanu reer Gabiley nahay waxaanu doorashada uga tanaasulnay doonistii gobolnimadayada laakiin haddii ay wakhtigeeda dhaafto waxaanu u sheegaynaa madaxweynaha iyo xukuumada inaanu gobolkii doonayno oo aanu doorashada ku xidhi doono laakiin yaanay wakhtigeeda dhaafin oo sagaalkaas bilood ee loo qabtay yaanay dhaafin.”

Isha Ku Hay Baligubadlemedia

COMMENTS