BALIGUBADLE MEDIA
Beeneey Waa Run ( Abdi-shotaly)
February 28, 2019 - Written by admin

Waxan halkan ku soo gudbinayaa aqoon xumidda, askariga yidhi Goboladda Bari nin aqoon lihi kuma jiro, waa qar iska xoore, hooya waa tan runtii oo qayaxaniye, taariikh-dda ay leeyihiin Goboladda Bari, haduu mid la mid ah hayo miiska ha soo saaro, indho isku qabasho socon mayso’e:-

Waxa la yidhi nin ambaday halkuu maray, way ula ekoonayde, askariggii oo awelba aynu ogayn wuxu yahay, baa maryaha si badheedh ah u sii dhigtay, oo hadda u soo jeestay in uu goboladda, intuu hor u colay-siiyey mooyee, intii hadhay-na uu isku sii diro, isuna bahalo geliyo. kaasi waa saleelo’e, bal in uu qalbiga la’yahay ( Waali dhab ah ku

jioro), haduu yidhi kuwii waday isaga laf-tiisa waa jaahile, aqoon iyo taariikh ma laha, ee waxan doonayaa in aan halkan askariga ugu bayaamiyo taariikh-dda goboladda Bari, indha iska tuur socon-maayee, raggii u sarayn jirey, intay dunidu taagnayd waxay ahaayeen Goboladda bari, bal qof qudha oo goboladda Galbeed ah, oo taariikh lahaa ha sheego, ilaa iyo inta la xasuusan karo askarigan bukaa. Akhristaw inta aanan u gelin taariikh-dda raggii ka kacay Goboladad Bari,  ku soo yara dhawaadda intan yar ee afaray-dda ah waa tane:-

Daawo ma leh qabyaaladi, waa boog dalooshoo, dadka maanka kaga taal, duqsi qudhun ku nool iyo, nin dan-laana kala faga, waa astaanta dib u dhaca, uu daciifku weheshado ( sidda Askariga weeyee), damiir aan ku jirnoo, dareenkii ka maqan yahay, isagaa dan-laawe ah, ka askariga daba galay, doqon iyo cad-keeddii, qanjidhka iyo diirkii, duufkii u cuni jirey, go’a loogu duuduub, kaas aan doc garanayn, reer-ba-reer ku direy baa, dadkii kala irdheeyo, inba gees dareertoo, baalaha u kala dide, dadkii damalka joogiyo, nabaddii la dumiyoo, daba leefyo liitaa, dal-keennii u hadhayoo, dar-xumadda daraadeed, dumar iyo caruurtii, dumayeydu yeedhoo, waayeelki derbi-yadda, diif bay la jiifaan, gaajadu duqaysoo, dooxa daasada ayaal, dalag ay ka baadhaan, waxa taa ka sii daran, beenta lagu dalde-layee, dal-kiiyoo la iibiyey, weli loo dedaayee, loo qaatay deyntee, lagu yidhi dirxiga cuna, ragna darib baruuriyo, kurus dufan da’aayaa, dabaq loogu shiilaa, duhur-kiyo habeenkii, libqi-yaan dibna-hoo, solay buu dugsanayaa, dubaax-deeddii caruurtoo, daaduunka maatadda, qayladu dayaantoo, daacadi hungawdee, ee horta yaa denbiga dhigay? Duma-diisa yey tahay? Haddii uunku kala dido, talw yey u dran tahay?

Taariikh-ddii Goboladda Bari Ku soo dhawaw Askaryahaw:-

Aan ku bilaabo taariikh-ddii casriggii Ingiriiska’e iga qabo:-

(a) Ninkii ugu horeeyey ee Ingiriis ka dhigo Diisay Wuxu ahaa Iimaan Doore ( Waa reer Bari H.Y) weliba Muuse Care.

(b) Ninkii Ugu horeeyey ee Ingiriis ka dhigo qaadi, wuxu ahaa Sheekh muxumud Yare ( Aw-shugri Aabihii) H.Yoonis Gunbuur. waa ninkii xukumay magta gaaladu in ay tahay 33 iyo hal-dalool-keed. ee geelii H.yoonis uu Ingiriisku ka soo qabsaday 3000 oo halaad, oo 1000 ka mid ah uu u dhoofiyey wadanka Astareeliya (Australia), geela jooga imika astareeliya waa geelii H.yoonis, ee jaahil-yahw la soco.

( c) Maxamuud Axmed Cali Wuxu ahaa Aabihii Tacliinta ee koowaad Wa raggii indhaha kuu jeexay isaga iyo.

(d) Yuusuf X Adan Cilmi Qabile, wuxu ahaa Aabihii tacliinta ee labaad ee wax ku baray adoo xarshin Jooga.

( e) Ina Igare isna wuxu ahaa abaan-duulihii ciidamaddii somaliland ee casriggii ingiriiska.

(f) Xasan Kayd wuxu ahaa Ragii ugu horeeyey ee jaamcadda ciidamadda Ingiriiska ka soo baxa.

( g) Maxamed Xaaji Ibraahim cigaal oo ahaa Madaxii Gobanima doonkii Waqooyi, madaxna u ahaa 6ddii cisho ee aynaan weli u qaadin meeshii aynu eednay ee Xamar, markii dambe-na uu ka noqday Ra’isal wasaare, ee jeelka u galay.

(h) Sheekh Bashiir wuxu ahaa Ninkii Burco ku rasaaseeyey Badhisaabkii Ingriiska, ee baqdin awgeed uu ugu cararay Hargaysa markuu u adkaysan waayey jihaadkii Sheeskh bashiir.

(H) Faarax Oomaar wuxu ahaa, kii ingiriiska ugu horeeyye ee yidhaahdaa dawladnimo baanu rabna aee naga guur ( Afka ingiriiska waxa uu ku yidhi ” My country and my people are so small to be divided, so give us our independence immediately”.

(i) Faarax Suusle wuxu ahaa kii haduu ummad kale ka dhalan lahaa, uu aduunku siin lahaa abuul gudka loo yaqaano ” Noble prize-ka nabadda” waa ninkii ku guntaday in uu is taago dagaalkii 1954kii ee 6 sanadood soconaayey, ee aad adigaagan askari ah ( Beeshaadu), dabadda xaabadda kaga gureysay, ee rabtay in ay sii ololiyaan, si la isugu dhamaado. wuxu ugu horeeyaa raggii ku xukumi jirey, ee halkaa ku soo gaddhsiiyey.

* “Faacuul” oo ay ilmaadeer ahaayeen Faarax Suusle, wuxuu ahaa ninkii dilay Gaalkii la  odhan jirey Giib, ee geela H.Yoonis magtiisa uu Ingirissiku u qaatay.

* Waxa Togdheer lagu dilay oo kale gaalkii la odhan jirey ” Feedhoole” oo ka tirsanaa Gumaysiggii Ingiriiska.

* Koofil Wuxu ahaa ninkii Ciidamaddii Ingiriiska watay ee lagu dilay Gobolka togdheer.

Taariikh-ddii dambe iyana waa tanee hoo oo indha ku kala qabo,

(1) 3-ddii Gudoomiye ee u kala dambeeyey SNM iyana waxay ahaayeen:-

( a) (Ihun) C/Qaadir Koosaar, oo ahaa ninkii markii Itoobiya inoo diiday, ee la yidhi ku darsadda Cadilaahi yuusuf, isagu ka soo dhameeyey Mingiste Xayla Maryan, in aynu ka dagaalano Gudaha itoobiya.

* Waxa kaluu ahaa ninkii Ciidankii ugu horeeyey ee SNM leedahay abuuray.

* Wuxu ahaa Kii ugu horeeyey ee Hub ka keena Itoobiya iyo Yaman,

* Wuxu ahaa ninkii Xerooyinkii ugu horeey ee wax lagu tababaro ka fura Gudha Itoobiya.

* Siilaanyo Wuxu ahaa Gudoomiyihii labadda jeer la isaga daba doortay SNM, ee Dagaalkii is miidaaminta ahaa 27/1988kii  gudaha Burco loo galay, 30kii may-na Hargaysa gudoomiyhii ka madaxa ahaa.

* C/Raxmaan Ahmed Cali wuxu ahaa (Ihun), Ninkii isaga oo lix bilood oo kaliya gudoomiye ahaa, ku guulaystay in uu dalka ka kiciyo Faqashtii. ee maradda googaradda ah kaa furey askari-yahaw waad qalbi la’dahaye.

* Wuxuu ahaa Madax-weynihii ugu horeeyey ee Somaliland ay qalinka ku duugto.

Halgankii SNM Iyo Kuwii dalka xoreeyey Yey Haayeen?, Mase Is Waydiisay Waad Dhoohan Tahaye ?

Waxan leeyahay askarigan is-madax marsan, bal ha keeno, ragan aan hoos ku soo sheegi doono, qaar u dhigma ama ku dhaw-dhaw, af madhani ragga laguma jaqee, isaga oo laxoodda ka qaadi jirey Xarshin markii raggii raga ahaa, ay wixii la ogaa samaynayeen.

(a)  A/Qaadir Koosaar ( Akhri sare baan ku soo sharaxaye)

(b) Lixle,  oo ahaa raggii galay, ee ka soo furtay odayaashii jeelkii Mandheera, intuu u dhacay habeen badh, isaga iyo Duuliye Xayd, C/raxmaan Maxamed Case, sumuni iyo dhawr kale.

(c) Ibrahim Dhego-Weyne, oo isna ah ninkii buurta sheekh gudaha u galay, ee ku dilay Jihaad iyo ciidankii uu watay, isaga oo uu la socdo Prof: C-Salaan Yaasiin, oo imika Hargaysa joogaa.

* Ibrahim dhega-Weyne, waxa kaluu ahaa ninkii watay ciidankii Hargaysa galay 30/may/1988kii.

( d) Axmed Mire Wuxu ahaa kii watay Ciidankii is miidaaminta ahaa 27/may/1988kii, wixii la ogaana ka sameeyey togdheer, ila aiyo gobolka sanaag, ee xaabta mandheera u dhaadhacay iyaka oo faqash joogto, ee ay ka qaxeen.

(e) Xasan Kayd,

(f) Maxamed Cali,

(g) Koodbuur, wuxu ahaa ( Ihun), kii aad adigu soo basaastay ( Waa C/laahi Askar, oo inaadeerkaa ahaa, kii birjeex ugu badheedhay, oo la ogaa in ay tahay, uh-ddii ugu cuslayd ciidankii faqaashta, welina kii basaasay uu kuu dhex joogo Hargaysa), wax kalaad ka hadlaysaaye.

(h) Xuseen Dheere,

(i) Ina Macalin Haaruun,

( j) Harag Waafi,

(k)  Ina Saleebaan waeyne,

(L) Maxamed Mooge.

(m) Haabiil,

(n) Ibrahim Layla

(o) LIbaaxo,

(P) Jaamac Cali Jaamac.

(q) Haybe Laambad.

(r) Cawil Cadami, oo ahaa ninkii af-duubay diyaaraddii Somaliya (Ihun),.

(s) Adan-Cade, oo aha ninkii galay Birjeex ee indhi-hiisii ku waayey dagaalkii Hargaysa ee 30/may/1988kii.

Hadaba afka lagma hadlo Muwaadine, intaas oo taariikh bariguy leeyahay, bal wuxuu askarigu uu soo barbar dhigayaa waa maxay? Maqal keliya iyo kun waraaqood haddii lagu qoro, mid-na laguma soo koobi karo, raga halgankii SNM u ahaa taayiradda iyo salka ay ku socoto, haddii ay tahay dagaal, xoog, trio, tayo, mujaahidnimo, xoolo, guubaabo suugaaneede, waxa uu sheegaayo badka ha keeno askarigan wajaqani.  Bal ha keeno cid goboladda uu sheeganaayo ka kacay oo taariikh leh.  Dhanka Suugaanta iyana akhristaw hadal-keedda daa, la heli maayo rag u dhigma Qaasim, Hadraawi, Cabdi-iidaan, Cali sugule dun-carbeed, tuug tarabi iyo dhmaan fanaaniintii ka kacay goboladdii bari, hablo iyo inama-ba. Ma xaqiraayo dhanka suugaanta,Cabdilaahi Suldaan Tima-cade, Ina Xasan Roodhile, Gaariye (Ihun), faysal, ee bal cid kale ha sheego askarigan dawakhsani..

Durbaan aan garaac-mayn, oo haragii ka qoyey, ulo looma qaato sida askari-gane, Waxan ku soo af-jaray qoraalkan ma dhamayn karo haddii aan caawa iyo berito wado taariikh-dda Goboladda bari, nooc kaste oo ay tahay-ba, mana hayno wax la sheego oo uu la shir yimaado kan meesha ka dhararakh lihi ( Waa raggii ma adigaa ka hadhaye}. Bal ummadda haw cadeeyo goob qudha oo dagaal lagu aaminay, waa kii xarshin laxooxdda ka guri jireye, annaa reer samatar ah iyo xuduudda baan beri ka talaabay laguma noqdo Mujaahide. Ummddii way nooshahay, oo may dhmaan, way joogaan, taariikh-diisana korkaa laga hayaa, bakh-bakh iyo faan aan meel jirin, muran iyo sheeko la sameeyaa wax ma taraane. waa looga fadhiya taariikh uu leeyahay ( Haddii ay jirto-ba) iyo ta Goboladda galbeed ee uu imika rabo in uu macmalo, afka  laguma doonto dad iyo gobolo aanad hawsan karin ilayne.

*.N.B Durbaan Haraggii Ka Qoyey, Oo Aan Garaac-Mayn Ulo Looma Qaato,

Qore:- Abdi-shotaly

[email protected]

COMMENTS