BALIGUBADLE MEDIA
Aasaasihii Xisbiga Kulmiye Iyo Proff Samatar oo Ka Muquurtay Ka Qayb Galka Shirka Golaha Dhexe ee Kulmiye
February 25, 2019 - Written by admin

Madaxweynihii hore ee somaliland Md Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo ayaa  ka muquurtay ka qayb galka shirka 6aad ee golaha dhexe ee xisbiga Kulmiye oo haatan ka socda magaalada Boorama.

Madaxweynihii hore ee somaliland Md Axmed Siilaanyo ayaa qorshuhu ahaa inuu ka soo qayb galo shirka isla markaana furitaanka goob joog ka ahaado balse kaadiriinta xisbiga Kulmiye ayaa ilaa haatan iswaydiinaya sababta baajisay.

muuse iyo siilaanyo

Masuuliyiin ka tirsan xisbiga Kulmiye ayaa Warbaahinta u sheegay in qorshuhu ahaa in madaxweynihii hore ee somaliland Md Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo uu ka soo qayb galo shirkan balse aanay garanayn sababta keentay inuu ka baaqdo.

Ka hor shirka 6aad ee golaha dhexe ee xisbiga Kulmiye ayaa waxa soo baxayey warar sheegaya in ex Madaxweyne Axmed Siilaanyo uu ka cudurdaartay ka qayb galka shirkaasi balse ergo u tagtay ka dib uu ku qancay  iyada oo madaxweyne Muuse Biixi u fuliyey shuruud uu ku xidhay oo ahayd in loo soo bandhigo ajandaha shirka golaha dhexe, balse ilaa hada lama xaqiijin sababta keentay inuu ka baaqdo.

Dhinaca kale Proff Axmed Ismaaciil Samatar oo ka mid ah rukunada waa weyn ee xisbiga Kulmiye ayaa isaguna ka muquurtay ka qayb galka shirkaasi, isaga oo hore u soo bandhigay saluuga uu ka qabo fulin la,aan uu xukuumadu ku eedeeyey oo ku saabsan barnaamij siyaasadeedkii xisbiga Kulmiye ee uu ku galay doorashadii ugu dambaysay ee madaxtooyada.

Kaadiriinta Kulmiye oo uu hogaaminayo madaxweyne Muuse Biixi ayaa haatan ka qayb galaya shirka 6aad ee golaha dhexe, iyada oo aan maanta la soo bandhigin ajandaha shirka balse furitaan kaliya lagu koobay.

Madaxweyne  Muuse Biixi oo ka hadlay shirka golaha dhexe ee  xisbiga Kulmiye ayaa sheegay in imtixaan culus oo la xisaabtanka xukuumada ahi hortaalo isaga oo sheegay in maalinta labaad ee shirka ay si adag uga doodi doonaan.

Isha Ku Hay Baligubadlemedia

COMMENTS