BALIGUBADLE MEDIA
Xukuumadda Muuse Biixi oo Xaqiijisay In Ingiriisku Somaliland Ka Doonayo Saldhig Milatari
January 11, 2019 - Written by admin

Wakaallada Wararka Anadolu Agency ee dalka Turkiga, ayaa qortay  warbixin ay kaga hadashay dedaalka aqoonsi raadinta Somaliland iyo martigelinta saldhigyo Millatari oo ay dalal caalamka ku yaallaa doonayaan inay ka samaystaan Somaliland.

Wakaallada Wararka Somaliland ee SOLNA, ayaa soo xigatay warbixinta  ay maanta daabacday  Wakaallada Wararka Turkigu , kaas oo ciwaankiisu ahaa; “Somaliland oo raadinaysa aqoonsi, isla markaana martigelinaysa saldhigyo millatari.” Warbixintaasina waxay u qornayd sidan:-

news

“Toddobaadkii hore Xoghayaha Gaashaan-dhiga  UK, Mr. Gavin Williamson, ayaa socdaal  aan hore loo sii shaacin ku tagay Somaliland, waxaanu la kulmay Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, Wasiirka Arrimaha dibadda Yaasiin Maxamuud Xiir, Wasiirka Gaashaan-dhiga Ciise Axmed

Xawar iyo Taliyaha Ciidanka Qaranka Sareeyo Gaas Nuux Ismaaciil Taani.

Wakiilka Somaliland u fadhiya Itoobiya, Axmed Xasan Cigaal, ayaa u xaqiijiyey Wakaallada Wararka ee Turkiga, in qoddobadii madaxda Somaliland iyo Xoghayaha Gaashaan-dhigga Ingiriisku ka wada hadleen ay ka mid ahaayeen  iskaashiga millatari oo dhexmara labada dhinac iyo sidii UK saldhig badda ah uga sameysan lahayd  dekedda Berbera.

“Dalka Jabuuti wuxuu martigeliyey  saldhigyo millatari  oo ay leeyihiin dalal badani, markaa maxay  Somaliland sidaasi u sameyn karin?,” ayuu yidhi Wakiilka Somliland  u fadhiya Addis-ababa, Axmed Xasan Cigaal.

Mar la weydiiyey danjiraha Somaliland inuu dhab tahay  in UK doonayso inay saldhig millatari ku yeelato badda Somaliland, waxa uu tilmaamay in Somaliland ay ku taallo meel halbowle ah isla markaana Somaliland iyo UK  uu ka dhexeeyo xidhiidh soo jireen ahi isla markaana Ingiriisku ay sababo la xidhiidha dhinaca  ammaanka ay danaynayaan Somaliland.

Danjire Axmed Xasan Cigaal, waxa uu intaas ku daray in dalka Ruushku uu isna  doonayo inuu saldhig millatari ka sameysto Somaliland, waxaanu caddeeyey inay martiqaadayaan cid kasta oo doonaysa inay yimaadaan Somaliland.

Waxa kaloo uu ku dooday in dalalka  waaweyn ee caalamku ay imanayaan manqdaqada Geeska Afrika oo ay doonayaan inay saldhiyo ka sameystaan oo ay  maalgashadaan Gobolka.

Axmed Xasan waxa uu sheegay in Somaliland ay ahaan jirtay qaran madax-bannaanidiisa ka qaatay Ingiriiska ka hor intii aanay Soomaaliya xornimada qaadan. Waxaanu  carabka ku dhuftay in  beesha caalamku ay ka warqabto in Somaliland ka madax-bannaan tahay Soomaaliya.

Warbixinta wakaallada Wararka Turkiga waxa iftiimiyey in aanay Somaliland beesha caalamka ka helin aqoonsi caalamiya, hase ahaatee ay dalal badan oo ay ka mid yihiin Jabuuti, Itoobiya ay ku leeyihiin qunsuliyado, iyadoo Dalka Imaaraadka carabtuna uu ka dhisanayo saldhig millatari.

Isha Ku Hay Baligubadlemedia

COMMENTS