BALIGUBADLE MEDIA
xogta rasmiga ee kawaanka caasimada “Qore dr buuh fariin caafimaad”
January 13, 2019 - Written by admin

Kawaanka ama maslakha qaliinka xoolaha waa in
uu ka fogaada dhiska deegaanka magaalada
ugu yaraan 15km hada kawaanka caasimada
waxa dhinac kasta u dhaafay dhiskii magaalada
oo sii fidaaya markaa waxa saxada iyo
fayadhawrka bulshadu ku jiraa in kawaanka laga
saaro gudaha caasimada shirkada kawaanka ka
masuulka ah iyo dawlada hoose iyo wasaarada
caafimaadka waa in ay iska kaashadaan sidii
15km looga saari lahaa kawaanka
Waxaad arkaysaa hilibkii oo sariibadaha lagu
iibinaayo isagoo af banaan gadiidka hilibka
loogu qaado bulshada ma laha qaboojiye waa
gadiid aad u daalay

Dawlada hoose ee caasimada hargeisa oo
gabtay masuuliyadii iyo heshiiskii shirkada
gaarka loo leeyahay waa in ay dib u eegis ku
samaysaa kawaanka qaliinka caasimada oo aad
u dayacan xaaladiisa nadaafadeed waa in
shirkada maandeeq kor ay u qaada nadaafada
kawaanka caasimada si aanay bulshada usoo
gaadhin xanuun kaga yimaada qaliinka hilibka
xoolaha Goobta qaliinka xoolahu waa in had iyo
goor ay ahaata goob nadiif oo ka xafidan
wasakhaw si bulshadu ay u hesho hilib nadiif ah
oo la hubo fayadhorkiisa
Waa in dawlada dhexe siisa kab dhaqale si loo
horumariyo hawlaha shaqo fayadhowr ee qalinka
xoolaha ee kawaanada sariibadaha ganacsi ee
dalka si iib dibadeed loogu helo qalinka hilibka
xoolaheena sayladaha suuqyada ganacsi ee
caalamka bulshaduna u hesho hilib fayo qaba

oo fresh ah

Xaalada nadaafadeed ee kawaanada dalka oo
aan wanaagsanayn marka la barbar dhigo
kawaanada dalalka jaarka iyo shirkadihii oo uu
ku yimid dib u dhac waxqabad horumar

shrkadeed dakhliga kazoo gala qaliinka xoolaha
nool oo aan dabooli Karin horumarka shaqo ee
shirkadaha dalka
Waa in uu jiraa nidaam maamul ee shirkadu kula
socon karaan qaliinka xoolaha ee kawaanka si
looga sooci karo neefka bakhtiga hilibkiisa
neefka buka ama tuugada ah waa in hilibka
kawaanada dalku uu lahaada shaambad qalalan
oo cadaynaysa in neefkaas kawaanka shirkada
lagu soo qalay nidaam sharciya hilibkoo

bacaysan

Waa in markasta aynu ilaalinaa daryeelka
caafimaad ee xoolaha nool korna loo qaada
shuruucda shaqo ee fayaqabka iyo kawaanada
maamulkooda shaqo si aynu ugu heli karo in
dalkeenu dibada u iibgeeyo xoolo hilib fresh ah
oo caafimaad qaba shirkadaha kawaanada
maamula dawlada hoose ee dalku waxay xaq u
leeyahiin in ay ku sameeyaan kormeer joogto oo

shaqo maalinkasta xaalada nadaafada

kawaanada iyo qalinka hilibka xoolaha nool lagu
sameeyey goobta shirkadii buuxin shuruudaha
shaqo ee laga rabo in sharciyan dib looga qaado

heshiiska ruqsada shaqo lala galay dibna loo
iclaamiyo shirkad ka waxqabad badan ma aha in
dawlada hoose ee dalku heshiis qarsoon ay kula

jiraan shirkadaha

Dadku waxay ku bixiyaan lacagta qaliinka
xoolaha nool si shirkadaha gacanta ku haya
kawaanada dalku ay ugu keenan qaliinka hilibka
neefka isagoo laga soo shaqeeyey meherada

ama goobta sariibadaha dalka

Dhaqaalaha yaraan Shirkadaha oo aan haysan
gadiid u ku xidhan yahay qaboojiye si loo ilaaliyo
fayaqabka qalinka hilibka waxa ka iman kara
xanuuno keena waxyeelo caafimaad

Goorma ayey bulshadu heli karaan hilib fresh ah
oo lagugu qalay bisimka allah si fiican loo
diyaariyey weelka hilibka lagu ridayo goobta
sariibada ee lagu iibinaayo oo si fiican loo soo
baadhay fayaqabka qaliinka xoolaha nool
Kawaanada dalku waxa hore gacanta ugu hayey
maamulka dawlada hoose ee dalka markii ay
noqotay mid dawlada hoose ay dabooli kari

waayeen nadaafada shaqo ee qaliinka hilibka
ayaa lagu wareejiyey shirkado private ah oo
gacanta ku haya mamulka kawaanka
magaalooyinka si ay ugu diyaariyaan bulshada
hilib fresh ah oo la soo mariyey baadhista

caafimaadka qaliinka xoolaha

Waxaad mooda in shirkadihii loo dhiibay
masuuliyada qaliinka xoolaha nool in ay ka jirto
kawaanada dalka dayac shaqo oo nadaafad
xumo keeni kara waxyeelo caafimaad daro oo ka
iman karta qaliinka xoolaha sida hadii ayna
wanaagsanayn nadaafada maslakha qaliinka
nadaafada gadiidka keesaska hilibka nadaafada

sariibadaha ganacsiga ee suuqa

Kawaanku waa in uu ku yaala goob ku haboon
oo ka fog dhiska caasimada oo jirto hawo iyo
biyo ku filan oo joogta ah ka xafidan
xayawaanka sida eyda oo ay ka hawlgalayaan
drs xanaanada xolaha iyo wasaarada
caafimaadka oo si wada jir ah ula socda fayo
qabka xoolaha lagu qalayo kawaanka
maalinkasta si loogu diyaariyo bulshada hilib

nadiif ah oo lasoo baadhay oo ay ku taalo
shaambadii fayo qabka xoolaha

Hadii nadaafada diyaarinta qaliinka xoolahu ay la
kulanto inyar oo khalad nadaafad daro waxa
imankara in dhamaan ay bulshadu ku xanuusato
cunista hilibka qaliinka xoolaha ama ay ku

sumoobaan

Waxa iyana meesha ka baxday in aanay jirin
kormeer shaqo oo lagula socon karo qaliinka
xoolaha iyo shirkadaha gacanta loo galiyey
kawaanada dalka oo uu ka muuqdo dayac shaqo

nadaafad xumo iyo masuuliyad daro

Hilibka qalinka xoolaha iyo qashinka hadhaaga
qaliinka waa in shirkada ka masuulka ah
kawaanada ay geeyaan goob dump sites oo gaar
ah oo dareeraha dhiiga iyo hilbaha loogu talo
galay oo ka fog deegaanka magaalada si loo
ilaaliyo fayaqabka bulshada ku nool

magaalooyinka dalka kuna hawl galaan gadiid
loogu talo galay qashin qubka kawaanada dalka

Waa in shirkaduhu ay ilaaliyaan kawaanada iyo
nadaafadooda si aanu u noqon kawaanadii
iyadoo xoolaha lagu qalayo ur iyo riiixad
qadhmuun aan loo gali jirin dayacnaana eydu iyo
waraabuhu ay weerari jireen xoolaha la qalayo
ee kawaanka lagu qalayo

Shirkaduhu waxay samayn karaan qorshe dib
looga faaidaysto noocyada hadhaaga hilibka oo
dib shirkadu ay uga heli karto dhaqaale abuur
sida xiidmaha iyo dhiiga hadii ay shirkadu
keenan mishiinadii dib loogu nadiifinaayey
looguna diyaarinaayey waa hadii ay shirkadu ku
shaqaynayso aqoonta shaqo ee maamulka
kawaanada dalka
WQ: Dr Buux Ibraahin Aadan
Fayo-dhawre madax bannaan
[email protected]

COMMENTS