BALIGUBADLE MEDIA
Xogta Dakhliga Ama Dhaqaalaha Soo Gala Dawlada Hoose ee Hargeisa
January 18, 2019 - Written by admin

Xoghayihii hore ee dawladda hoose ee hargeysa Cali Xasan Cawaale ayaa bartiisa facebook ku baahiyay dakhliga maalinlaha ah ee soo gala dawladda hoose ee hargeysa waxaanu qoraalkiisu u dhignaa sidan:

Wa hubaal in ay dawlada hoose ee hargeisi ay tahay meel dhaqaalaheedii yahay mid adeegyada caasimada inuu kafeeyo ka badan, isla markaana awood siinaya in xataa dawlada hoose ee Hargeisi ay dhaqaale ahaan kabi karto dawlada dhexe, marka laga yimaado kafaynta ama daboolista dhamaan adeegyada caasimada ee dhan walba.

xoghaye cali xasan cawaale2

hadaba waxan si kooban oo xaqiiq ah halkan ugu so bandhigaya dakhliga xiliyada kala duwan ee dawlada hoose, sidoo kale xogtani maha mala.awaal iyo qiyaas ee wa mid saxa, ( actual budget)

halkan kaga bogo xisaabtaas dakhliga.

marka laga hadlayo Dakhliga maalintii, ay soo xarayso dawlada hoose, waxan soo qaadanaya dakhliga lacagaha cashka ah iyo ka adagba wana sidan.

dakhliga cashka malinlaha ah ee ay so xarayso dawlada hoose waa:- (1, 70,000, 000 . sl sh. boqol iyo todobatan milyan sl sh) halka ay mararka qaarkood gaadho 200 . laba boqo oo milyan maalintii.

Dakhliga maalin.laha ah ee lacagta adag ah. waa ($ 17000 . todoba iyo toban kun oo dolar. halka mararka qaarkood ay gaadho ( $ 25000 ) oo dollar. )
lakin labada dakhliba waxan qaadanaynaa ka ay u badantahay ee asago maalintii so baxa amaba aan ka yaran karin intas.

dakhligaas malin laha ah markaa week u rogno . waxa uu noqonaya ayado week giba ka koban yahay 6 casho sabti ilaa khamis oo malinta jimcaha ayna ku jirin.
waa sidan isu geyntiisu.

Dakhliga weekliga ah.

6×1,70, 000,000 =1,020,000, 000. hal bilyan iyo labatan milyan slsh.

6x 17000$ =10,4000$ boqol iyo afar kun oo dolar.

Dakhliga bila ah.

bishii markad ka jarto jimcayaasha , waxay noqnayan maamuhu 25. malmood. markan bil kasta 5 jimce ka jarno oo lagaba yaabo ina aany biluhu qarkood 5 casho noqon jimce .

25×1,70,000,000= 4, 250, 000, 0000. Afar bilyan iyo laba boqol iyo konton milyan slsh.

25x $17000= 425000$ afarboqol iyo shan iyo labatan kun oo dalar.

Sanadleh.

12x 4, 250,000, 000 = 51, 000, 000,000, kaw iyo kontan bilyan. slsh.

12×425,000$ = 5,100,000$. shan milyan iyo boqol kun oo dollar.

hadii aan cash u rogo lacagta adag kuna dhufto halki dolar 9000 sagal kun sh.sl. waxay noqonaysa. sidan.

$5,100,000x 9000 sh.sl= 45, 900,0000 sl sh.

Bal.hadaba laba dakhli aan isu geyno.

ayagoo cash ah.

51, 000, 000,000 +45, 9 00, 000,000=96, 900, 000, 000. lix iyo sagaashan bilyan iyo sagaal boqol oo milyan ayuu noqonaya sanadkii dakhliyada cash iyo dollar ee dawlada hoose, markad doonayso dolar ahan inad ogoto intas u qaybi sagaal kun.

intaa hadaan kaga gudbo dakgliga ay soo saarto dawlada hoose , malinleh todobadleh iyo bile iyo sanadlehba.

Waxa kale oo xusid mudan laba dakhli oo kale kuwaas oo bishiiba hal mar ay qaadato dawlada hoose kana hesho dawlada dhexe. waxayna kala yihiin. sidan.

Kabka dawlada hoose ay ka hesho bishii dawlada dhexe, waxa weeyi bisha uu ugu yaryhay ee ayna waxba ka helin. 600, 000, 000. lix boqol oo milyan. bil kasta sanadkina noqonaya 7, 200, 000, 000. todaba bilyan iyo laba boqol oo milyan.

sidoo kale waxa jira dakhliga kale ee kastamka hargeisi u qabto dawlada hoose kaasi oo bishi noqda marka uu ugu yaryahay 15000, O00. shan iyo toban milyan . bishiba, sanadkiina noqonaya.

180, 000, 000 sl sh. boqol iyo sideetan malyan.

marka la isu geeyo labadan dakhligi sanadkii waa sidan.

7, 200, 000, 000+180, 000, 000=7,380, 000, 000. todaba bilyan sadexboqol iyo sideetan milyan sl sh.

hadii aan ku daro dakhliyadii hore ee aan isu soo geynay ee sanadlaha ahaa . waa sidan.

96, 900,000, 000+7,380,000,000=

104, 280, 000,000 sh sl. wa boqol iyo afar bilyan iyo laba boqol iyo sedaantan milyan.

Tuugna ma xado.
Waliba kuma jiraan lacagaha laga ururiyo dadwaynaha ee ay kaga qayb galaan wadooyinka iyo  lacagaha kasoo xarooda qalabka markuu si private-da u shaqeeyo deeqaha iyo lacagaha kale ee mashaaricda loo yaqaan jplg ee dawladaha hoose ku bixiyaan hay.adaha dhawrka ah ee ku midaysan magaca jplg.

Dawlada hoose ee hargeisa ee iska daa adeeg oo mushaharkii shaqaalaha laga la’ yahay wa kaas dakhligeedu sanadku

hadaba is weyduuntu waxay tahay, maxa sabab u ah mesha dhaqalaha inta leegi so galo iska daa adeegi caasimada ee ay qaban lahaydo laga waayo mushaharkii bila ahaa ee shaqalaha soo saaraya dakhliga intaas leeg? Durdur oomay maxa lagu daweeya?!!!!!

Cali Xasan Cawaale

Xoghayihii Hore ee Dawladda Hoose ee Hargeysa

qormada labaad waxan ku xusi doona kharashadka Dawlada hoose oo sidan oo kale u shaxaysan. insha Allah.

 

COMMENTS