BALIGUBADLE MEDIA
Xisbiga Ucid Iyo Kulmiye Oo Ku Shuraakoobey Doorashada Baarlamaanka Iyo Gooleyaasha Degaanku Inaanay Qabsoobin! –
January 12, 2019 - Written by admin

Sidaynu ka wada War qabno Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi wuxuu warqad u diray Goolaha Guurtida isagoo ku wargelinaya in Koomishanka Doorashooyinka Qaranka Somaliland aay xuseen inaanay doorashada Baarlamaanka iyo Goolayaasha Degaanku qabsoomi Karin March Siduu Ku Xusay Warqaduu U first Guurtida, isagoo isla markaana xusaya in Qabashada Amaba Qabsoomida Doorashadu u baahantahay mudo Toban bilood ah. Hadaba Warqadan madaxweyne Muuse Biixi Cabdi Guurtida u Diray maxay daarantahay?

ucid iyo kulmiye

Markaad aad u eegto waxaa kaaga muuqanaysa in Madaxweyne Muuse Biixi aanu diyaar u ahayn doorasho Qabsoonta. Sababtoo ah Xisbiga Ucid Iyo Kulmiye waxay u midoobeen in muran cusub oo hor leh Curiyaan Sababtoo ah Koomishanka Qaranka

Mudo Xileed koodii wuxuu dhacayaa 29 November 2019. Waxaanu Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi ku Xusay Warqaduu U diray Guurtida Inaanay March 2019 Qabsoomi Karyn doorasho Una baahantahay u diyaar garowgeedu mudo Toban Bilood ah.

March 2019 Marisa’s Toban bilood Ku darto waxay ku beegnaanaysaa March 2020 lakiin wuxuu kasii codsaday Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi Guurtida in Isla Koomishankani Qabto Doorashada oo Mudo Xileed koodu ku eegyahay 29 November 2019. Arintaasoo hadii Guurtidu ka aqbasho hadana Dhalin doonta Muran Cusub oo ka dhex Curta Xisbiyada Qaranka Somaliland iyo in la Bedel Koomishankan lana soo Xulo Koomishan Cusub oo iyana mudo qaadan doonta dibna usii riixi doonta Doorashada. Lakiin su’aasha is waydiinta Mudani waxay Tahay Xisbiga Ucid Danta ugu jirta Doorashadoo dib usii dhacdii maxay tahay?

Aden Deeq

[email protected]

COMMENTS