BALIGUBADLE MEDIA
Wasiiradda Xukuumadda Madaxwayne Biixi Iyo Shacabka Somaliland oo Khaati Kala Taagan
January 14, 2019 - Written by admin

wasiiradda xukuumadda madaxwayne biixi ayaa noqonaya wasiiradii ugu tayadda liitay abid ee somaliland soo mara kuwaas oo ay khaati kala taaganyihiin shacabka somaliland wasiiradan iyo shacabka ayaa ilaa hadda isla jaanqaadi la’ taas oo lagu sababeeyay aqoon la’aan dhinaca shaqadda ah oo ku habsatay wasiiradan

wasiiraddan ayaa intooda badan ay isla il daranyihiin shacabka ay madaxda u yihiin iyadoo taasi keentay in qaar kamida wasiiradani aflagaadooyin aan loo meel dayin ay kula kacaan shacabka ay madaxda u yihiin taasoo muujinaysa aqoon la’aanta madaxtinimo ee wasiiradan ku habsatay

golaha wasiiradda

wasiirka warfaafinta somaliland cabdiraxmaan guri barwaaqo iyo wasiirka shaqadda iyo arrimaha bulshadda ayaa kamid ah wasiiradda ugu tayada liita ee maalin walba shacabka somaliland aflaagadada la hortaagan kuwaasoo hadalo deelqaafa kula kaca shacabka

hadaladii ugu dambeeyay ee labadan wasiir kula kala kaceen shacabka ayaa kala ahaa in wasiir guri barwaaqo sheegay in qaar kamida shacabka somaliland yihiin qaar la dagaalamaya qaranimadda somaliland islamarkaana laga soo adeegsado meelo kale kuwaasoo weerar ku ah dawladnimadda iyo qaranimadda somaliland

halka wasiir hinda gaani iyana sheegtay in qaar kamida dhalinyarada somaliland masaariif ka qaataan xafiiska madaxwayne farmaajo ee somaliya kuwaasoo bilaasha ku qaata sidii ay u wiiqi lahaayeen somaliland

hadaladan ayaa ah kuwo laga argagaxo iyadoo inta badan wasiiradda madaxwayne biixi caynkan iska yihiin islamarkaana ay maalinwalba wanjal iyo hanjabaado ay usoo jeediyaan shacabkooda halka shacabkuna eedaymo kala duwan u jeediyo
isku soo wada duuboo wasiiradan ayaa raacay dhabihii macalinkooda madaxwayne biixi kaasoo lagu yaqaanay wanjalka iyo kala qobqobka shacabka somaliland

Software

Baligubadlemedia.com

hargeysa

COMMENTS