BALIGUBADLE MEDIA
War Degdega: Xubno Sarre oo Ka Tirsan Guddida Doorashooyinka Qaranka oo Xilkii Laga Qaaday
January 12, 2019 - Written by admin

Guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka Qaranka ayaa xilka qaadis iyo  xubinnimada in ay ka saaraan isugu daray Guddoomiye Ku-xigeenka Guddiga uu lahaa.
breaking news

War ay so saareen Guddiga waxaa ay ku sheegeyn in ay soo soctay muddo lix bilood ah eeda ugu dambeyn keentay in ay talaabadaan qaadaan.
Dhinaca kale Sayid Cali Sheekh Maxamed  oo ahaa xubin ka tirsan Guddiga islamarkaana ahaa guddoomiye ku xigeenkii guddiga ay xilka iyo xubinnimada labadaba ka qaadeen.

Sayid Cali waxaa lagu eedeeyay in uu dumiyay xeer adag oo uu Guddiga lahaa isagoo ka faa’iideeysanayaa xilka iyo masuuliyadda uu hayay, SIdoo kalana uu ku tuntay qodobo ka mid ah Sharciga guddiga u yaalla.

Gudoomiye ku xigeenka la eryay ee xilka iyo xubinimadda laga qaaday Sayid Cali Sheekh Maxamed wali ma jiro wax war ah oo xagiisa ka soo baxay.

April 2-2015 ayaa la aasaasay Guddigan oo ka kooban sagaal xubnood waana markii ugu horeysay oo ii guddigu ku qaado talaabo ceynkan oo kale ah.

Isha Ku Hay Baligubadlemedia

COMMENTS