BALIGUBADLE MEDIA
Tuugnimada Iyo Kamaradaha (CCTV)- Qalinka: Cali Cabdi Coomay
January 16, 2019 - Written by admin

Kamaradaha casriga ah ee duuba muuqaalka ee lagu rakibo gudaha iyo dibada meheradaha, hudheelada iyo goobaha kale ee bushadu isugu timaado ee caasimada Hargaysa ayaa ah kuwa aanay inta badan ogayn bulshadu. Kamaradaha qaarkood waxa ay muuqaalka ka duubaan waddooyinka u dhow goobta lagu rakibay. Waxa aynu qormada ku xusi doonaa dhawr dhacdo oo looga faa’idaysay muuqaalka ay duubeen kamaradauhu oo u badan falal tuugnimo ah iyo kuwa kale oo khiyaamo la halmaala:

= Tuugtii Baabuurka Jabsatay: gaadhi ag-yaalay meherada ay ku rakiban yihiin karamadaha (CCTV) ayey koox dhallinyaro ciyaalo-xaafad ahi jabsadeen, markaasay kala baxeen Kombuyuutar dhal ah (Laptop) iyo alaabooyin kale oo dhexyaallay gaadhiga. Ninkii gaadhiga lahaa ayaa mar dambe yimid oo arkay gaadhigiisii oo la jabsaday. Ninkii meherada gaadhigu horyaallay ayaa u yeedhay ninkii gaadhiga laga jabsaday, markaasuu gudaha meherada ka tusay muuqaalkii ay kamaraduhu duubeen iyo sidii falku u dhacay. Ka dibna waxa si gaar ah kamaradii looga soo qaaday qaybtii duubtay falku markuu dhacayey, markaasaa mid kasta sawirkiisii lagu daabacay waraaqo midab leh si muuqaalkooda si fiican loogu aqoonsado, waxaana loo gudbiyey booliska. Booliskiina wakhtigaba iskagamuu lumin ee markiiba hawgal lagu soo qabqabanayo ayuu bilaabay. Waxaana si fudud loo soo xidhxidhay dhammaantood, iyaga oo weliba mid kastaa xidhan yahay dharkii uu falka ku geystay.

= Ninkii Moobilka Xoogga lagaga qaaday: Niman dhallinyaro ah ayaa wakhti habeen ah nin xoog kaga qaaday Tilifoonkiisii gacanta, meel shaaric ah oo bakhaar weyn hortiisa ah. Ninka way haraareeyeen waanay ka xoog bateen, isna dantiisa ayuu ka raacay oo muu dagaalamin ee si nabadgeliyo ah ayuu tilifoonkiisii u dhiibay. Aroornimadii ayuu ninkii bakhaarka haystay ka codsaday inuu muuqaalkii kamaradu duubtay uu ka eego bal inay kamaradu duubtay niman xalay tilifoonkiisii kaga qaaday bakhaarka hortiisa. Bakhaarlaha oo ahaa nin debecsan oo naxariis badan ayaa aqbalay codsigii, waana laga helay muuqaalkii. Ninkii moobilka laga qaaday, ayaa Memory Card ku qaatay muuqaalkii boolisku ayaanu u gudbiyey. Booliskii ayaa sawiradii daabacay, waxaanay isla aroornimadii suuqa badhtankiisa ka heleen laba ka mid ah kooxdii oo nasiib wanaag moobilkii aan weli faasixin,  oo markaasuuna iib u raadinaaya. Halkii ayaa lagu qabtay labadii iyo moobilkiiba.

= Gabadhii Gogol-dhaafka Samayn Jirtay: Nink ganacsade ah oo safarkiisu badan yahay ayaa ka shakiyey xaaskiisu inay gogol-dhaaf samayso intuu safarka ku maqan yahay. Dabadeed xaaskiisii ayuu dalxiis ugu saaray dalka Itoobiya, markaasuu niman farsamoyaqaanno ah u diray inay gurigiisa gebi ahaan tiiba ku xidhaan kamaradaha (CCTV) waxaanu ku adkeeyey in aanay xaaskiisu arkin kamarada oo ay qariyaan inta suurtagal ah. Gurigiina meel kasta ayaa lagaga rikabay. Dalxiiskii markii isaga iyo xaaskiisii soo dhamaysteen ayey gurigii ku soo noqdeen. Ninkii ayaa maalintii ku xigtay qorshaystay inuu safar ilaa Dubaay ah u baxo, waxaanu ku maqnaa muddo dhan 7 cisho. Wuu soo noqday markaasuu la baxay Memory Card kamarada ku jiray oo duubay muuqaalkii 7 cisho.

Muuqaalkii waxa ka soo baxay nin dukaan ku haysta meel aan gurigiisa ka fogeyn oo xaaskiisa xidhiidh gogol-dhaaf ay la lahayd. Muuqaalka oo faahfaahsan oo markuu guriga soo galay ilaa intuu ku jiray ayuu ninkii muuqaalkii si fiican uga bogtay. Ninku nin degan ayuu ahaa bilowgii hore ninkii muuqaalka ku jiray ayuu soo xidhay, markaasuu kiiskii ka bilaabay maxkamadaha dalka. Ninkii dukaanka haystay uma baahna wax caddayn kale ah oo muuqaalka ayaa caddayn ah. Xaaskiisiina wuxuu ku amray inay gurigii aabaheed tagto oo ay gurigiisa u dhaafto isaga oo furitaankeediina go’aansaday.

Ninkii dukaanlaha ahaa muuqaalkii garsooruhu hordhigay muu dafirin ee wuu qirtay. Kiiskii ninku meel uu ku dambeeyey ma aqaano oo maan sii dabagelin iyo xukunka ku dhacay toona. Gabadhiinna wuu furay, markii sababta furitaanka ay weydiiyeen odayaasheedii wuxuu daawadsiiyey muuqaalkii, sidaasina way ku qanceen furitaankiina sidaasi ayuu u dhacay. Shakigii ninkaasi qaaday laba carruur ah oo ay u dhashay gabadhuna wuxuu soo baadhay hidde-sidaha (DNA), waxa se la caddeeyey inuu isagu dhalay. Dhacdadan waxa iig sheekeyey Qareenkii u doodayey ninkii dhibtu ku dhacday, hasayeeshee magacyada dhibanayaasha iimuu sheegin manaan xiisaynayn inuu ii sheego, qisada oo keliya ayuu ila wadaagay. Waxa keliya ee aynu uga soconay farriinta kamaradaha casrigani qaadayaan.

Cali Cabdi Coomay

Suxufi, qoraa ah.

Hargaysa, Soomaalilaan

COMMENTS