BALIGUBADLE MEDIA
Turkiga Muxuu Ka Yidhi Qorshe Saddex Geesood ah oo ay La Damacsanyihiin Dalalka Israel, Sucuudiga Iyo Imaaraadku ?
January 11, 2019 - Written by admin

Dalalka Sacuudiga, Imaraaadka iyo Israel ayaa yeeshay kulan qarsoodi ah oo looga hadlay sidii dowladda Bashar al-Assad dib loogu soo celin lahaa xubinamdeeda Jaamacadda Carabta, si loo wiiqo saameynta Turkiga ee gobolka.

Saraakiil sirdoon oo sare oo ka socda saddexdan dal, ayaa bishii tagtay ku kulmay mid ka mid ah caasimadaha dalalka Khaliijka, halkaasi oo lagu dejiyey qorshayaal dhowr ah oo ka dhan Turkiga, sida uu weriyey website-ka caanka ah ee Middle Ease Eye.

turkey president erdogan

Waxaa sidoo kale kulanka looga hadlay sidii wax looga qaban lahaa culeysyada caalamiga ah ee Sacuudiga uu kala kulmay dilkii weriye Jamaal Khaashuqji, oo Turikiga uu hogaaminayey.

“ Xubnihii ka qeyb galay kulanka waxay isku raaceen in Turkiga uu halis ku yahay dhammaantood, ayna tahay inay si wada jir ah u wajahaan” ayuu yidhi  qof ka qeyb galay kulanka.

Agaasimaha hay’adda sirdoonka Yahuudda ee Mossad, Yosi Cohen ayaa u sheegay dhiggiisa dalalka Sacuudiga iyo Imaaraadka inaysan waxba ka wel-welin Iran, balse ay iska ilaaliyaan Turkiga.

“Awoodda Iran waa mid jilicsan, halista dhabta ah waxay idin kaga imaneysaa Turkiga” ayuu Cohen u sheegay madaxa sirdoonka ee Sacuudiga iyo Imaaraadka.

Maadaama Turkiga dagaal siyaasadeed kala dhaxeeyo Suuriya, in dib loogu soo celiyo Suuriya Jaamacadda Carabta ayaa loo arkay mid sii cidleyn karta Turkiga, islamarkaana abuuri karta xulufo Carbeed oo kasoo wada horjeeda xukuumadda Ankara.

Wixii markaas ka dambeeyey ayaa waxaa mar qura socdaallo isdaba joog ah ku tagay dalka Suuriya, madaxda dalal Carbeed oo dhowr ah, ayada oo xitaa Imaaraadka uu dib u furay safaaraddiisa magaalada Dimishiq.

Loolanka ka dhaxeeysa Sacuudiga iyo Turkiga ayaa la rumeysan yahay inuu yahay mid ka mid ah sababaha dhaxal-sugaha Sacuudiga Maxamed Bin Salmaan uu ula saaxiibay Yahuudda, ayada oo meeshana ay ka marneyn loolanka Sacuudiga iyo Iran.

Isha Ku Hay Baligubadlemedia

COMMENTS