BALIGUBADLE MEDIA
TALYE FADAL WAA HALYEY QARAN OO U SOO BAXAY CIIMADA BOOLISKA SOMALILAND
January 21, 2019 - Written by admin

Ciidamada Booliska Jamhuuriyadda Somaliland waxa la aasaasay Sannadkii 1993kii,
Sida muuqatana Ciidanka Boolisku waxa uu horumar la taaban karo ka sameeyay
dhismayaasha xarumaha Booliska, nidaamka darajooyinka, qalabka ciidanka iyo
tababarkoodaba, hase ahaatee magaalowga sii badanaya, korodhka dadwaynaha iyo fal
dambiyeedyada casriga ah ee wakhti xaadirkan waxa ay ciidamadu ay karti u leeyihiin
in uu ka hor tago, baadhana, faldambiyeed kasta , oo dhaca ama dhexmara Qaar ka
mida ah Beelaha Soomaliland isla markaana xakameeyo dambiyada tirada badan ee ka
dhaca magaalooyinka waawayn.Waxaa Xusid ama aan marnaba la Ilaawi karin
Horumarka kala duwan ee la gaadhay wakhtiyada kala duwan ee ka soo Bilaabmay
Wakhtigii as,aaskii ciidanka

S/GAAS Taliye Cabdilaahi Fadal Iimaan ayaa mudadii uu ahaa taliyha ciidan boolika wax
badan oo la taaban karo ka qabtay dhinaca nabad galyadda. Ma xusi karno Dhamaan
Waxqabadka uu Sameeyay Taliye S/GAAS CABDILAHI FADAL IIMAN Waxaanse ku soo
Koobi doona kuwan hoos ku xusan:-

1. DARAJADA CIIDANKA BOOLISKA.
Muddo xileedkiisa Taliye-nimo oo ka soo bilaabmay 2012 ila hada  waxa si Hufan oo ku
salaysan ama waafaqsan xeerarka dalacada iyo Ciidamada loo bixiyay  Darajooyinka kala
sareeya ee Ciidan-nimo ayadoo loo eegayo Meerto iyo shaqo wanaaga,Waana Taliyaha ku
suntan Bixinta Darajada.

2. DHISIDA XARUNTA TALISKA GUUD.
Muddo hada laga joogo ku dhawaad 70 sano  Waxa ciidanka Booliska u ahayd Xaruntooda
koowaad dhisme aad u yar oo ku filnayn in uu daboolo hawlaha baaxada leh ee ay Qaranka
u hayaan.

Taliye S/GAAS CABDILAHI FADAL IIMAN  Waxuu ku Guulaystay Ilaahayna ku garab galay
Hir-galinta dhisme ka kooban dabaq oo ku fadhiya dhul aad u balaadhan loona dhisay si
quruxsan,dhismahaas oo ka kooban in ka badan 70 Xafiis iyo Hoolalki shirarka oo uu dhan
yahay qalabkiisii Fududayn lahaa shaqada

3. KORODHKA GAADIIDKA CIIDANKA BOOLISKA.
Dunidan Casriga ah hawlkasta ama shaqo kasta kama maaranto Gaadiid Fududeeya
hawlaha soona dhaweeya masaafo kasta oo shaqo,hadaba ciidanka booliska Somaliland
Mudadii u majaraha u hayay Taliye S/GAAS CABDILAHI FADAL IIMAN Waxa uu u soo
kordhiyay Gaadiid Tiro badan si ay qayb uga noqdaan Dardar-galinta Hawlaha shaqo ee
Ciidanka Booliska.

Waxay ahayd bilawgii sanadkan 2017 Markii Ciidanka Boolisku ay kala wareegeen
Xukumada in ka badan 25 baabuur oo ah nooca loo yaqaan Qabaal (Toyota) Taas oo
muujinaysa Korodhka Gaadiidka Ciidanka iyo Waliba Tiro kale oo ay ka iibsadeen
Miisaniyadda Ciidanka ee sanadkan 2017.

4. TOBABARADA CIIDANKA BOOLISKA.
Tobabaradii ugu badnaa ee ay helaan ciidanka booliska Somaliland, Tobabaradaas oo isugu
jira kuwa ciidan-nimo mid Aqoon korodhsi Waxa ay Ciidanka Booliska heleen Mudadii uu
xilka hayay Taliye S/GAAS CABDILAHI FADAL IIMAN,Tana waxa tusaale cad u ah Dufcadihii
kala duwaan ee labadii(2) sano ee u danbeeyay ka soo kala baxay Dugsiyada Tobabarka
Ciidanka Booliska.

5. KORODHKA DHALINYARADA CIIDANKA BOOLISKA.
Taliye S/GAAS CABDILAHI FADAL IIMAN Waxa uu ku Guulaystay in uu kordhiyo Tirada
dhalinyarada ah ee ka mid ah Ciidanka Booliska kuwaas oo kumanan kor u dhaafaya kana
hawl-gala dhamaan Qaybaha kala duwan ee Ciidanka Booliska taas oo ay u Fududaysay ku
xidhnaanshihiisa Qaybaha kala duwan ee Bulshada.

Waxa aan hadalkaga ku soo gabagabanaynaya halku dhigayga

Ø Qabo ama ii qir
Ø Qof wuxuu qabtaaba qaran dhami ku faanaa
Ø Dambiilaha aan qabanee dacalada ka joogsada
Ø Hadii lasysku fiirsado hungaa lagu danbeeyaa

ALLA MAHADLEH
W/Q: Ahmed Hussein Abdi (Xato)
[email protected]
TEL.657777665
TEL.634002356

COMMENTS