BALIGUBADLE MEDIA
Shir Gudoonka Golaha Guurtida Somaliland oo Shaaciyay Dibu Dhac Ku Yimi Kalfadhigii Saaka Loo Balansanaa.
January 12, 2019 - Written by admin

Fadhi ay saaka iskugu yimaadeen golaha Guurtida Somaliland oo lagaga Hadli lahaa waraaq uu madaxwaynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi u soo diray golaha oo nuxurkeedu ahaa inaanay ku qabsoomayn doorashadu wakhtigii hore loogu cayimay ayaa baaqday.

Guurtida

Gudoomiyaha Golaha Guurtida Somaliland Saleebaan Maxamuud Aadan ayaa xildhibaanada ku wargeliyay in waraaqdii loo balansanaa in fadhiga saaka  lagaga hadlo dib loogu dhigay kulan dambe,  isagoo sababta ku sheegay inay qabyo ka jirto xaga xukuumada.

si kastaba ha ahaatee xukuumadda Somaliland ayaa dabadda ka riixaysa muddo kordhin laba sanno ah oo ay doonayso in golaha guurtidu u kordhiyo golayaasha deegaanka iyo wakiiladda.

Isha Ku Hay Baligubadlemedia

COMMENTS