BALIGUBADLE MEDIA
Ninka Hawsha Diidow Hadhkaaga Laguu Diray Haatuf Kula Socdaa Jira “Qalinkii Buux Ibrahim”
January 17, 2019 - Written by editor

Taariikhdu ma hilmaami doonto ilaahayna qarin mayo
ninkii dadkiisa iyo dalkiisa danaynaya inuu wax u
qabto
Berbera waxaad mooda caasimadii dubia oo kale
ninka ku tagrifalayaaya cashuurta shacbiga laga soo
ururiyo haduu dhuuntana dhabarkaa muuqda
Berbera waa caasimada dalxiiska jsl moyar cidin sii
wad
Halka hargeisa ay noqotay magaalo caasimad u eg ah
wadooyin burburay bilic xumo nadaafad qashin
daadsan jidadka caasimada moyarka hargeisa waxa
looga baahan yahay golahiisa deegaanku in aanay
xumaanta la dugsan oo ay diyaariyaan moshin ka
dhan ah oo xilka lagaga qaadayo moyarka iyo k
xigeenkiisa sidii sharafta lahayd ee ay xilka uga

qaadeen golaha deegaanka deg boorame moyarkii
boorame
Hargeisa manta shacbigu aad bay uga niyad jabsan
yahiin doorashadii iyo dedaalkii ay u hureen golaha
deegaanka hargeisa

Moyar waxa kuu sharaf ah adigoo is casila

wax qabadkaaga ku wajahan caasimada berbera
Halka aad ku farxaysid waqti kasta berbera iyo
ashqaraarka bilicda wadooyinka berbera markaad
dhex istaagtid
Waxa uu moyarka hargeisa uu dhaxal siiyay tacabkii
bulshadii soo dooratay niyad jab qanac waxqabad la
an maamul xumo xafiis aanu kasoo xaadirin waqti
kasta taas oo sabab u noqotay in doorashadii ugu
dambaysay ee madaxtooyada waxay bulshadii
caasimadu dib uga istaagen in ay qaatan kaadhka
cod bixinta dibna uga istaagan in ay sax oo xalaal ah
u codeeyan iyagoo ku diiday waxqabad la anta
goolayaasha deeganka ee dalka gaar ahaan
caasimada maan arag moyar iyo goole deegan oo ka

liita ka cadaalad xun moyarka hargeisa oo ka karti
waxqabad daran marka la barbar dhigo moyaradii soo
maray caasimada hargeisa ilaa eng maxd hashi cowl
cilmi cabdale moyar cadami moyar jiciir
Xil madhan maamul la an tariikh xumo fahan la an
xilka umada codkoodi ay ku siiyen waxqabadka
mayarka waxa inogu filan wadooyinka caasimada
hargeisa ciida iyo qashinka daadsan jidadka
caasimada hargeisa madaxwaynaha jsl oo ku amray
in lagu dhiso dhaqaalaha dawlada dhexe wadooyinka
ka yimaada airport iyo wadada marta dhakhtarka wayn
ilaa carwada dawlada dhexe halka moyarka berbera
uu dhisay 65 wado oo wadada ugu yar ay tahay 8km
indhahaa u macalin ah fadlan muwaadin aragtida
indhahaga ku daawo berbera iyo hargeisa kadib qiime
waxqabadka labada gole deegan waxa kale oo kusoo
batay waqtigii xukumadii hore ee siilanyo aragtiyaha
dadwaynaha eek u wajahan wax qabadka moyar cidin
in lagu maamuso shahaado sharaf ka samaysan
dahab madaxwayne siilanyo waa markii ugu
horaysay ee lagu maamuso moyarka ugu wax
qabadka badan dalka moyar cidin
Moyarka caasimada hargeisa waxa lagu xasuusan
karaa maamul xumada masuuliyad darada isagoo
aan u xaqsoorin shaqaalaha uu xukumo isagoo ku
shaqeeya qabiil oo uu Shaqaalahi dhamaan dib looga
eryey dawlada hoose ee cunay dhulka danta guud
dakhligii iyo bugaagta dawlada hoose ku takri falay
isagoo danaynaya dano gaar shaqsiyeed oo ka
leeyahay dib usoo celintooda moyarka oo ku

sababeeyey soo celintooda in ay yahiin shaqaale
waayo arag ah eng maxd hashi isagoo ku soo rogay
imtixaankii dawliga ahaa dawlada hoose si loo helo
shaqaale tayo iyo aqoon leh
Iyadoo ay caasimada hargeisa soo mareen moyaro
kala waqtiyo qaar ah xukumayey caasimada hargeisa
ha ahaadeen moyaro waqtigaa laga soo
magacaabayey xafiiska madaxtooyada dalka hadana
taariikhda iyo soyaalka dalku marna ma hilmaami karo
in la xuso waxqabadkii kala du duwanaa ee ay ka
qabteen caasimada hargeisa dhiskeeda bilicdeeda
arimaha nadaafada caasimada hargeisa moyaradaa
ka soo taliyay maamulka dawlada hoose waqtiyadaa
mudo xileedkooda moyarnimo moyar cadami moyar
jiciir moyar cawl taarikhda ayaa xusi doonta
taarikhdoodi wax qabad ee ay la yimaadeen
Fayo-dhawre madax bannaan la soco
[email protected]
0634130821

COMMENTS