BALIGUBADLE MEDIA
Nabad Galyo Badan Waa Lagu Tallo Seegaa “Axmed Aadan Rooble”
January 23, 2019 - Written by admin

Tan iyo intii somaliland gooni isutaageeda kala soo noqotay dawladdii kacaanka ee dagaalka qadhaadh ay la galeen urur waynihii snm waxa qorshaha kaliya ee somaliland gooni isutaageeda ula soo noqotay ahaa sidii ay mar uun u noqon lahayd dawlad iskeed u jirta islamarkaana ay u dhanyihiin imkaaniyaadkii dawladnimo

axmed aadan rooble998

Qodobadda ugu waawayn ee dawladii kacaanka loola diriray waxa kamid ahaa cadaalad darro, eex, qaraabo kiil iyo dulmi dhinac walba ah haday tahay xoriyad la’aan iyo haday tahay dhiiga dadka oo la banaystay

hadaba somaliland oo maanta jirta 28 sanno jirsatay maxaa u qabsoomay dawladnimadeedii maxaase ka qaloocmay mudadaas muxuuse kaga duwanyahay nidaamkeedu nidaamkii afwayne ee laga soo dagaalamay?

hadii aynu su’aalahan is nidhaa ka jawaaba ma jirto wax buuran oo la sheego in nidaamka somaliland ka jiraa uu kaga duwan yahay nidaamkii afwayne waayo su’aalaha aynu kor isku soo waydiinay badankoodu somaliland maanta way ka dhacaan waxaana taas dheer adeegyo dawladeed oo wakhtigii afwayne dadku heli jiray sida , waxbarasho, biyo caafimaad iwm ma jirto hadda somaliland waxaas oo dhami waxaana intaas u dheer in dulmigii dadka reer somaliland duurka u galeen inay baabiyaan dib uga soo curtay somaliland islamarkaana aanu jirin wax sharciyad ah oo dawladda dalka haysataa ay marto balse masuul kastaaba sida uu doono ayuu ugu takri falaa sharciga ha ugu sareeyo madaxwaynuhuye

mudooyinkii u dambeeyay khaasatan intan ay jireen xukuumadaha kulmiye waxa dalka kusoo badanayay xadhiga iyo cadaalad daradda lagula kaco dadka muwaadiniinta ah iyadoo aan sifo sharciya loo marin islamarkaana waxa  meesha ka baxay garsoorkii iyo nidaamkii cadaaladeed ee dalka madaxwaynaha hadda jooga oo inta badan marka uu fagaarayaasha ka khudbadaynaayo dumarka iyo caruurta uga sheekeeya dhibataadii kacaanku ma garwaaqsanyahay  in wax ka xun dulmigii kacaanku dalka uu haysto mise wuu is diidsiiyaa isagoo xaqiiqda og.

waxaynu ognahay inay jeelasha dalka ku jiraan qaar kamida acyaantii iyo birmagaydadii dalkani iyadoo dadwaynuhu daawanayaan sida loola macaamilayo islamarkaana wali la ixtiraamayo sharciyadda iyo kala dambaynta dalka balse dawladda jirtaa taas way iska indho tiraysaa hadii dulmigu sii jiro waxaa biyo kama dhibcaana inaanu dalkani sii jiri doonin ee uu mari doono meel ka xun halkii la mariyay tii kacaanka.

madaxda dalka waxaan ku boorin lahaa inaanay hodin nabad galyadda iyo xasiloonida dalku oo aanay moodin in nabadgalyadu jirayso iyadoo dulmi lagu hoos samaynaayo balse ha garwaaqsadaan in waxa nabadda qurxiya ee ay ku taagantahay tahay cadaaladda iyo dulmiga oo la suuliyo waxaynu ka wada dharagsanahay cawaaqib xumadda ka dhalata dulmiga oo xoogaysta

waxaan ku soo gunaanadi lahaa qoraal kayga in nimcadda ilaahay ina siiyay aynu ku shugri naqno islamarkaana aynu fahano in alle subxaanahuu watacaalaa ina eegayo oo aynu isku noqono islamarkaana aynu ku cibro qaadano waxa hareeraheena ka socda.

Wabilaahi Tawfiiq
Axmed Aadan Rooble

COMMENTS