BALIGUBADLE MEDIA
Mudane Cali Seenyo Midbaa Seegay, Poliskana Midbaa Seegay
January 25, 2019 - Written by admin

Dhawaan Saxafiga caanka ah ee Cali Seenyo ayaa TV SAAB ka baahiyay hadal cadho iyo qaylo u
badan, isagoo si wayn uga cadhooday in loo diiday in isaga iyo koox saxaafadda ah uu la socottay
galaan magaalada Lawyacaddo ee Xuduudka Somaliland iyo Jabouri.
Cali Seenyo iyo kooxdii uu hogaaminayay waxay soo qaatteen visa tourist amma dalxiis iyago
socdaalkoodu ahaa film-duubis iyo hawl saxaafadeed. Cali waxaa seegtay inuu visa saxaafadeed
amma ogolaansho ka soo qaatto safaradaa Somaliland ee Jabouti. Sida muuqatta, Cali Safaradda
umuu sheegin sabata runta ah ee ay Zaylac u tagayeen isaga iyo tiimka la socday.
Midina waa run: Cali xaq ayuu u lahaa inuu xanaaqo oo qayliyo. Laakin marka dhinaca kale la iska
taago, Calina midbay ummaduu xaq loogu lahayd: Inuu ummadda u sheego nooca viisaha ay kooxdu
ka soo qaatteen Safardda Somaliland ee Jabouti – ma visa dalxiisbay ahayd mise visa Hawl
Saxaafadeed.
Booliska Somalilandna midbaa seegay: Inay cali u sheegaan sabata dhabta ah ee loogu diiday in
kooxdan la socottay waddanka galaan. Poliska mid labaadna way seegtay: Kadib markii Cali TV ka
hadlay waxa haboonayd inay markiiba Polisku jawaab shaafi ah ka bixiyaan sababta loogu diiday
inuu waddankiisii galo – Polisku waxay u baahanyihiin inay kor u qaadaan hal-beegga Xidhiidhka
Dadwaynaha (they need to improve their Public Relations Standard).
GABAGABO: Somaliland waxay u baahantahay in xidhiidhka ka dhexeeya Poliska iyo saxaafadda
shaqo ballaadan laga qabto. Siminaaroo iyo workshops laga diyaariyo . Waa in la hirgalyo siyaasad
wada-shaqyneed , habdhaqan, iyo baro-xidhiidh (contact points) ka dhaxeeya Golayaasha
Saxaafadda iyo Taliska Poliska si loo xilliyo murankan goor walba taagan
Xasan Cabdi Yuusuf
Riaydh , Saudi Arabia
23 January 2019

COMMENTS