BALIGUBADLE MEDIA
Maxamed Saalax Oo Ku Guulaystay Ciyaaryahanka Ugu Wanaagsan Afrika Sanadkii 2018
January 10, 2019 - Written by admin

Ciyaaryahanka reer Masar ee u safta kooxda Liverpool ayaa ku guulaystay billadda xiddigga sannadka 2018 ee kubadda cagta Afrika ee uu bixiyo Xidhiidhka Kubadda Cagta Afrika, waana markii labaad ee uu ku guulaysto.

Salaax waa 26 jir weerar ka ciyaara, waxaanu billadda kaga guulaystay saaxiibkiisa reer Senegal ee ay isku kooxda u saftaan, Sadio Mane iyo weeraryahanka reer Gabon ee Arsenal u safta, Pierre-Emerick Aubameyang.

maxamed saalax

Billadda waxa lagu gudoonsiyey xaflad Salaasadii lagu qabtay dalka Senegal.

Maxamed Salaax oo ka hadlay madashaas ayaa yidhi “Waan ku riyoon jiray inaan ku guulaysto abaal marintan caruurnimadaydii, haatanna waa taa aan laba goor oo xidhiidha ku guulaystay”.

Isla sannadkii 2018-ka Salaax waxa uu ku guulaystay ciyaaryahanka sannadka ee BBC, oo dhegaystayaashu ugu codeeyeen bishii Diisember.

Wuxu kooxda Liverpool u dhaliyey 44 gool xili ciyaareedkii 2017-2018, waanagu gacan ka geystay kooxdu laba goor gaadho ciyaarta kama dambaysta ah ee tartanka Horyaalka Yurub, isla sannadkaas waxa uu laba gool u dhaliyey xulka Masar oo ka qayb galay tartankii Koobka Adduunka.

Xili ciyaareedkan haatan socda waxa uu kooxdiisa Liverpool u dhaliyey 16 gool waxaanu u saftay 29 ciyaarood.

Isla salaasadii ayaa Xidhiidhka Kubadda Cagta Afrika ee CAF waxa uu shaaciyey in Masar marti gelin doonto tartanka Koobka Qaramada Afrika sanadkan 2019.

Isha Ku Hay Baligubadlemedia

COMMENTS