BALIGUBADLE MEDIA
Maayarku Ha Is Casilo” Qalinkii Buux Ibraahin”
January 13, 2019 - Written by admin

Waqtigii golaha deegaanku waa gebo gebo hal
cadhani geed ay ku xoqoto ma waydo wadooyinka
waxa dhisay shacbiga iyo ganacsatada dalka 70% ma
aha waxaad ku faani kartid hoos u eeg caasimada
fool xumada bilicda wadooyinka cidhiidhiga ah
nadaafad darada iyo heshiiska xaaranta ee aad kula
jirtid shirkadaha qashinka moyar waxa ku sharaf ah
adigoo is casila manta shacbigu uma diyaar aha in
ay codkooda doorasho dambe ay siiyan
muwaadaniinta u sharaxan dalka taas waxa u sababa
khasaaraha iyo guuldarada laydinkala kulmay Waxa
ay dhib wayn ka jirtaa wadooyinka caasimada oo aad
u burburay gadiidkii oo had iyo goor simxad
isusocod haysato gadiidkii gurmadka caafimaadka
ambulance oo aan haysan wado toos ah taas oo ay ku
qaadato badbaadada hooyada xaamilada ah 2 hours
taas oo sababi karta DHIMASHO HOOYADA IYO
ILMAHA AMA DHIIG BAX waxa haboon in Moyarka
caasimada hargeisa dhaqso ha isku casilo shacbiga
ku nool caasimada hargeisa waxa tusaale waxqabad
ugu filan moyarka iyo golahiisa deegaanka

Doorashada soo wajahan waa in aynu ku dooranaa
aqoon xull ah looma baahna tan manta ay ku
sugantahay caasimada hargeisa
Wadooyinka caasimada oo runtii aad u burburay
gadiidka gurmadka caafimaadku waxay ku qaadata
badbaada caafimaad ee hooyada foosha ugu yaraan 2
hours ilaa dhakhtarka wayn taas masuuliyadeeda
waxa iska leh moyarka caasimada oo sababay dhiig
baxaa iyo dhimashadaa badbaada hooyada foosha
Waxa markhaati u ah qof kasta oo ku nool caasimada
hargeisa dhibaatada ka haysata gadiidka wadooyinka
burburay oo aad wax ugu dhimay bilicda iyo
nadaafada caasimada hargeisa
Waa in aynu ka fiirsana doorashada inagu soo socota
si aanay u noqon tii u dambaysay aynu joojino
cadiifada qabiilka oo aynu ku soo xulano
musharaxiinta aynu gaysano golayaasha deegaanka
dalka
Shacbigu ha eersadeen gacmahooda ay ku doorteen
golahan deeganka ah ee fadhiidka ilaahay waxa uu
yidhi qoomna ilaahay ma duleeyo iyagoo is duleeya
mooyane sida sharciga uu ahaa waqtiyadii hore
doorashada goolaha deeganka waxa laga soo dooran
jiray tuujarta dad can ah oo leh maal iyo aqoon oo
usoo istaagi jiray doorashada goolaha deeganka
caasimada dalka manta qof kasta waxa uu u macalin
ah indhhiisa iyo hargeisa cida ay dooratay

Dawlada hoose hargeisa waa muraayada laga
daawado maamulka caasimada hargeisa haday
dawlada hoose xumaato taa macnaheedu waxa
weeye in ay shacbiga ku nool caasimada harg aanay
mardambe ku dhiiran inay ay si fudud u siiyan codka
kalsoonida waqtiga doorashooyinka golayaasha
deeganka ee inagu soo fool leh labo sano ka dib
hadaba waxa waajib inagu ah in aynu xusno soona
qaadano maamuladii moyaradii ugu wanaagsanaa ee
soo maray caasimada hargeisa iyo heerka
waxqabadkii ay ka qabteen caasimada hargeisa
waqtiyadii mudo xileedkoodi moyarnimo inagoo soo
horaysiin doona eng maxd hashi
Waqtigaa uu la kulmay xilka moyarnimo ee caasimada
eng inkastoo ay ahay waqti dalku ku jiro xaalad adag
oo aanu si fiican aanu u shaqaynayn maamulka
dawladnimo hadana eng maxd hashi waxa uu isla
markiiba ka bilaabay in uu wax ka qabto heerka
aqooneed ee shaqaalaha ka shaqaynayey dawlada
hoose isagoo dib u eegay heerkooda aqooneed
waxbarasho dibna uga qaaday imtixaan waxbarasho
si uu kor ugu qaado mushaharka ku filaan kara inanka
shaqaalaha ah si uu badbadiyo hantida umada kana
fogaado laalush iyo musuqmaasaq eng maxd hashi
waxa uu u kordhiyey mushaharkii shaqaalahi ku
guulaystay imtixaanka dawlada hoose ilaa heer ku
filan noolasha isaga iyo caarurtiisa eng maxd hashi
markuu helay shaqaale tayo leh waxa uu kordhiyey
shaqadii dawlada hoose gali hore iyo galin dambe
eng maxd hashi waxa uu culayska saaray dhagaysiga

iyo kasbashada shacbiga caasimada ku nool isagoo
dhex socon jiray isagoo kaliya si uu u qaato taladan
shacbiga ku nool caasimada iyo baahiyadka
tabashadooda gaarka eng hashi waxa uu aha
moyarkii culayska saaray in uu dib u habeeyo
qorshaha dhiska caasimada iyo jidadka caasimada
si walba ha ahaate waqtigaas oo aanay suurto gal
ahayn nidaamkii maamulkii dawladnimo ee jiray
Eng xusien maxamoud jiciir oo ah moyarkii ugu
nadaafadeed ee caasimada hargeisa ku sugnayd
waqtiga moyar xusien jiciir oo ah moyarkii ugu
horeeyey eeku yimaada cod dorosho gole deegan
inakoo kazoo bilaabayna heerka waxqabad ee
arimaha nadaafada caasimada harg iyo kawaanka
qashinka iyo maamulka nadaafada caasimada waxa
maaraynteeda laha dawlada hoose oo qashinka ka
masuul ahayd iyadoo aad dareemi karto waqtigaa
goobaha qashinka caasimada uu tuula iyo nadaafad
xumadii iyo bilic xumadii isla waqtiga moyar jiciir
isagoo eegaya sida ugu haboon ee qashinka
caasimada wax loga qaban laha oo ah heer caalami
waxa uu ku wareejiyey qashinkii shirkada private
sectors oo uu ku gunayn jiray dawlad hoose kaab
dhaqaale siday shirkadahaasi usii kordhin lahayeen
heerkooda waxqabad sidoo kale waxa uu ka dhex
saaray kawaankii caasimada hargeisa oo uu gaadhay
qorshahii dhiska caasimada oo uu ku wareejiyey
shirkada private sectors markaynu barbar dhigno
moyaradii soo maray eng xusien maxamuod jiciir
waxa uu ka hir galiyey daafaha caasimada jidad isku

xidha degmooyinka caasimada si ay u fududato
simxada wado marida jidadkaas oo uu ka hir galiyey
dagmo kasta jid gaadhaya dherer 8km isugayn 26
wado oo laami ah ayuu ka hir haliyay caasimada
hargeisa
Halka moyar cabbirahmon sotelco oo hada soo
dhamaystiraya jidkii ugu dheera ee dawlada hoose
wax ka qabatay kaas ooh jidka airport halka july
2017 uu ku eg yahay waqtigii mudo xiloodkoda
golahan deeganka markaan lagu darin mudo
kordhintan dambe

waxqabadka badnaa caasimada hargeisa moyaradii
soo maray marka loo eego heerka maamul waxqabad
: Dr Buux
Fayo-dhawre madax bannaan la soco
[email protected]
0634130821

COMMENTS