BALIGUBADLE MEDIA
“Ku Lahaa, “Bur Iyo Biyaa Loo Kala Baxayaa!” Dadkii Waxa Uu Ku Gurey Laba Xero Oo Iska Soo Horjeeda…” … Maxamed Baashe
January 18, 2019 - Written by admin

Isaga garashadiisa inta xukuumadda taageertaa waa u Qaran-doonno, inta xukuumadda dhalliisha ee khalad jira farta ku fiiqda ama mucaaridka ahina waa u Qaran-dumisyo.

Waxa iskaga khaldamay malahayga Qaran iyo Xukuumad. Qarankii dhammaa waxa uu ka soo qaaday xukuumadda uu ka tirsan yahay.

Alle qabey afkana waa yaqaan waana ka agnaan.

Laba masuul(4)

Shaqaalihii xukuumadda ayaa loogu gooddiyey in aan loo dulqaadan doonin in laga faqo habeenkii oo la xanto gacantii ku quudinaysey ee wax ku siinaysey: xukuumaddii ku biilinaysey. Hadda biilintu waa mushaharkii shaqaalaha!

Aar dawladi ma sidanaa

Ma dukaan nin leeyaa?!

Kaaga sii darane, dhallinyaradii ayaa

labadaas xero la doonayaa in lagu kala xareeyo: koox ku xidhnaata madaxtooyada Somaliland iyo koox lagu dhufto shaambad qallalan oo ay ku xardhan tahay Villa Soomaaliya.

Waa olole la doonayo in lagu qariyo dalba-juuqaha iyo fashilka xukuumadda, oo waxaas dellegan ee melmelan, ayaa dharaarahan la inagu dhego-barjaynayaa.

Hubanti waa neecaw dellegan oo ay urteedu doorsoon tahay, waxana ka dhalan karta falcelin xadhkaha goosan karta.

Looma baahna in dadka lagu mashquuliyo wax aan waxba ugu filnayn waxyeello mooyaane. Waxa se loo baahan yahay in dadka laga qanciyo tabashooyinkooda, lagana jawaab celiyo baahidooda wixii hadba suurta gal ah.

Waa se iska shay dabiici ah in marka bulshada talisyada fashilmaa qancin kari waayaan in ay mashquuliyaan.

Xanaftii iyo dhaawacyadii ay bulshada kaga tagtay doorashadii madaxtooyada ayaa kor-ka-baqay oo cuncunistoodu jidhka bulshada ku sii fogaanayaan.

Waxa kala qaybsanaanta bulshada sii badhitaaraya maamul xumaanta xukuumadda iyo talo-qabeennimo la’aanteeda.

Waxa aan weli laga jawaabin tabashooyin badan oo qaarna ka dhasheen xukuumaddii la dhisay, qaarna ka horreeyeen oo laga dhaxlay xukuumaddii hore.

Saami-qaybsiga wakiillada ayaa ka mid ah kuwa qol-ku-raagga ah. In doorashadii golayaasha wakiillada iyo dawladaha hoose qabsoomi waayeen ayaa fashilka ka mid ah.

Hay’adihii fulinta iyo sharci-dejinta oo isla xisaabtan iyo is dheellitir looga baahnaa ayaa u caano shubanaya isirro dhabarka isku xoqaya.

Somaliland waxa ay u muuqataa in ay baallaha ka soo rifmayso, dhexdana uu xar ka soo gelayo.

Heshiisyada Khaatumo iyo Somaliland ee muhiimka ahaa, tacabka badanina galay ayaa u muuqda in ay ku dul bakhtiyeen waraaqihii lagu qoray, oo iyana fashil kale noqonaya.

Waxa kala qaybsanaanta bulshada sii badhitaaraya maamul xumaanta xukuumadda iyo talo-qabeennimo la’aanteeda.

Aaway maamul wanaaggii lagu hadaaqi jirey xilligii kursiga loo hamuunsanaa: u xeebashada sharciga iyo sarrayntiisa, caddaaladda loo xisho, xakamayn musuq, la dagaallan boob hanti ummadeed iyo qaraabokiil.

Jiritaanka isirradan iyo maqnaanta in la la tacaalaa waa cudur halis ku ah dawladnimadeenna oo ina soo daashadey oo xukuumadiba ka dhaxasho ta ka sii dambaysa.

Xaggee lagu socdaa?

Wax walba waxa ka daran dhaqan dawladnimada ku xun oo inagu soo kordhaya: car juuq dheh iyo xadhig, hanjabaad iyo bulshadii oo loo kala qaybinayo labadaas xero: qaran-doon iyo qaran-dumis.

Su’aasha ugu culusi waa: cirridkaas aynu arkayno ee sidaas ahi ilko ma ka soo jeedi karaan? Aaway se mucaaridkii sharciga ahaa ee arrimahaas dheelli-tirka ku samayn lahaa, qareenka iyo jid-bixiyeenkana bulshada u noqon lahaa?!

Marka ay hoggaamini (xukuumadi) ka soo bixi weydo wixii loo igmaday, mucaaridkeeda ayaa laga quuddarreeyaa in uu buuxiyo kaalintii jihaynta, himilo iyo rejo-abuurka bulshada oo isu dhiga baddiilkii hoggaamintaas hallowday.

Ayaan-darrada innaga ina haleeshay waa “isma dhaanto isu dhigan”.

Waa ayse uuraysan oo wax kale ayuun bay dhali, illayn agaraadamtaas nafuhu kuma xasili doonaane.

Geeddiga cagaha daaliyaa lagu geyoodaaye

Gellimaadka hayskaga jirtiyo goosan habaqlaaye

Gubuxsiga mar uun bay tirsiga meel ka soo geliye

Gargaraaciddeediyo ha dayn geed ka didinteeda.

Hadraawi: Gudgude 1990

W/Q: Maxamed Baashe X. Xassan

COMMENTS