BALIGUBADLE MEDIA
Jigjiga Madaxwayne Mustafe Cagjar oo Cadaadis Lagu Saaray Inuu Is Casilo Iyo Wararkii U Dambeeyay
January 23, 2019 - Written by admin

Golaha wasiirada maamulka soomaalida Itoobiya ayaa u fadhiya shir deg dega oo leeyihiin Sida ay sheegayaan wararka laga helayo magaalada Jigjiga, waxa soo xoogaysanaya khilaaf u dhaxeeya dawlada federaalka ah iyo madaxweynaha maamulka soomaalida Itoobiya Mustafe Muxumed Cagjar, kaas oo wararku sheegayaan in lagu cadaadinayo inuu is casilo.

cagjar

Golaha wasiirada ayaa shirka ay leeyihiin ku faaqidaya xaalada soo cusboonaatay, iyada oo la filayo inay goor dhaw soo saaraan war ay kaga hadlayaan khilaafka taagan.

Wasiirka maaliyada dawlada federaalka ah ee Itoobiya Axmed Shide isla markaana ah gudoomiyaah xisbiga soomaalida Itoobiya ayaa dabada ka riixaya inuu xilka ka dago madaxweyne Cagjar, kaas oo uu soo kala dhexgalay khilaaf xoogani.

Wasiir Axmed Shide ayaa doonaya in maamulka soomaalida Itoobiya madaxweyne looga dhigo masuul isaga u dhago fudud isla markaana amaradiisa ku shaqeeya.

Isha Ku Hay Baligubadlemedia

COMMENTS