BALIGUBADLE MEDIA
Halkee Ayay Ku Dambaysay Isku Shaandhayntii La Filayay In Madaxwaynaha Somaliland Sameeyo ” War Bixin Cusub”
January 10, 2019 - Written by admin

Madaxwaynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa la filayay inuu isku shaandhayn baaxad leh ku sameeyo xukuumadiisa si uu meesha uga saaro xubno kamida wasiiradiisa oo muddo gaadhaysa 8 sanno iyo dheeraad soo ahaa wasiiro ka kala tirsanaa xukuumadihii kala dambeeyay ee madaxwayne siilaanyo iyo tiisa hadda jirta

madaxwayne mbc

sidoo kale wasiiro socod barad ah oo ku haftay wasiirnimadda xukuumadiisa ayaa iyana la filayaa inuu xilalka ka qaado hadaba wasiiradda aadka loo hadal hayo inay xilka waayaan waxa kamida wasiiradda arrimaha gudaha maxamed kaahin axmed oo loo badalayo wasaaradda gaashaan dhiga somaliland halka wasiiradda lagu badalo ay yihiin laba masuul oo uu madaxwaynuhu ka fikirayo kooda uu dooranayo kuwaasoo kala ah maxamed nuur caraale duur iyo cabdilahi xuseen iimaan darawal kuwaas oo horyaala miiska madaxwaynaha wasiiradda seeftu ku wajahantahay waxa kamida cadaaladda, horumarinta maaalgashiga, awqaafta, horumarinta jidadka, shaqadda iyo arrimaha bulshadda iyo sidoo kale wasiirka macdanta agaasimayaal guud iyo qaar kamida taliyayaasha ciidamadda kuwaas oo qaar kamida madaxwaynuhu farta ku godayo

waxaana la filayaa in isbedelkani saameeyo taliyayaasha ciidamadda milatariga, booliska iyo asluubta

madaxwaynaha ayaa xukuumadiisa ku soo daraya wasiirul dawlayaal cusub kuwaasoo aan hore xukuumadiisa uga mid ahayn sababta ugu wayn ee keentay in madaxwaynuhu hakiyo isku shaandhayntii la filayay horaantii bishii december ee dhamaadkii sanadkan ayaa ah kadib markii warku suuqa kasoo horgalay madaxwaynaha iyadoo sidoo kale sirta qaranka ee ugu wayn uu madaxwaynuhu u aaminsanyahay isku shaandhayntiisa oon la maqal hadana ma jirto sir ukala qarsoon madaxwaynaha iyo shacabka taasoo aan la garanayn sababta keentay

madaxwayne biixi ayaa dhanka kale garwaaqsaday in la gaadhay xilligii uu dheeliga ka dajin lahaa xukuumadiisa islamarkaana uu kuraas badan oo dheeli ah kasoo celin lahaa beeshiisa

isku soo wada duuboo waxa markasta la filanayaa isku shaandhayn soo baxda oo madaxwaynuhu ku sameeyo qaybo kamida xukuumadiisa maadaama oo uu hadda qiimeeyay wasiiradda xukuumdiisa

Isha Ku Hay Baligubadlemedia

COMMENTS