BALIGUBADLE MEDIA
Halkee Ayaa Laga Soo Wada Diray Aflaagadada Taliye Fadal ee ay Ku Kaceen Cali Seenyo Iyo Cali Gurey (Akhriso Xog Muhiima)
January 19, 2019 - Written by admin

Siyaasi cali gurey iyo sidoo kale cali seenyo ayaa siyaabo kala duwan u weeraray habeenkii xalay ahaa xarunta guud ee taliska booliska somaliland khaasatan taliyaha guud ee ciidamadda booliska somaliland sareeyo guuto cabdilaahi fadal iimaan taas oo ay wakhti aanay wax badani u dhaxayn kusoo aflagaadeeyeen taliye fadal iyo ciidanka booliska

cali gurey8

arintan ayaa ka socota dhinaca madaxwaynaha somaliland iyadoo madaxwayne biixi ciidamadii amaanka siyaasadeeyay islamarkaana uu siyaasad laba wajiilayn ah ku wado xukuumadiisa cali gurey iyo cali seenyo oo ay  madaxwaynaha saaxiibo dhaw yihiin ayaa muddo aanay wakhti badani u dhaxay kala jeediyay hadaladan iyadoo arintaasi noqotay mid si wayn loo dareemay halka ay ka socoto.

wasaaradda arrimaha gudaha somaliland ayaa iyadu bixisay amarka lagu joojiyay cali seenyo sida uu dhigayo nidaamka sharciga ah ee dalka u yaalaa balse wasaaradda iyo madaxtooyadda ayaa u muuqata mid qiiqa isku qarinaya islamarkaana arrinta uga dhacay taliye fadal si la iskugu dhufto taliyaha iyo shacabka siyaasadan ayaa ah ta loo yaqaan qaxology iyadoo madaxwaynuhu aanu halkaas ka fiirsan islamarkaana aanu eegin halista uu khadkan uu rakibay gaadhsiin karo sumcadda booliska oo ah kuwo uu isagu habeenkii ku lado islamarkaana aan uga baahnayn hagardaamo iyo shirqool

si kastaba ha ahaatee madaxwayne biixi ayaa dalka ku hagaya siyaasadii laba wajiilaynta ahayd ee ay snm-tu ku dhaqmi jirtay markii ay jabhadda ahayd taas oo aan dal iyo dad toona dhaqayn islamarkaana sumcad xummo ku ah madaxwaynaha biixi

Isha Ku Hay Baligubadlemedia

COMMENTS