BALIGUBADLE MEDIA
Hababka looga hor-tago xanuunka MACAANKA. “Qalinkii Cabdi Cawiye”
January 9, 2019 - Written by editor

Tirsiga taariikhdu marka ay ku beegantahay 14 bisha November ayaa ah maalinta loo aqoonsaday in ay
noqoto maalinta macaanlayda aduunka maadama uu dhashay ninkii u horeeyey ee soo saaray irbada
ama dawada lagu dabiibo kaadi macaanka oo magaciisa la odhan jiray Frederick Banting oo ay ka wada
shaqeeyeen ninka isna la odhan jiray Charles Best, waxaanay soo saareen dawada sanadkii 1922-kii
haddaba waxa jira waxyaabo lagaga hortago macaanka inta aanu ku haleelinba inkastoo oo aanu isagu
dawo rasmiya lahayn inaad marka hore is ilaaliso mooyaane.
1. Quraacda haka tegin
Waxa lagugula talinayaa inaad ku dedaasho QURAACDA oo ah cunto muhiim u ah habsami socodka
sonkorta jidhkaaga! iyo sidoo kale in aad jimicsiga noocyadiisa kala duwan waxkamida ku dedaasho.
2. Diiri jidhkaaga subaxdii
Ugu yaraan markaad soo toosto subaxii yara diiri jidhkaaga macnaha yara jimicso si uu u kululaado
jidhkaagu. adigoo jiifa furaashkaaga ayaad lugaha kor usoo qaadi kartaa adigoo sidaa wadaaya muddo
ilaa 10 daqiiqo ah ama daraarada ama deyrka gurigaaga carar ilaa 5 daqiiqo subaxwalba adigo
guclaynaaya ama talaabo degdega qaadaya tani waxay kaa caawinaysaa inaad gubto sonkorta jidhkaaga
ku jirta taasoo hadii aan la isticmaalin sababta xanuuno uu kow ka yahay xanuunka MACAANKU.
3. Isticmaal biyaha liin dhanaanta
Waxaa liin dhanaanta ku jirta maado loo yaqaano bioflvonoid waana maadada midabka huruuda ah u
samaysay liinta dhanaanta.
Bioflovonoid waxay kor u qaadaa maadada la yidhaahdo INSULIN oo ah maadada hoos u dhigta
sonkorta soo gasha jidhka taasoo hadii la ay daciifto aynu nidhaa qofkaa macaanbuu leeyahay. sidaa
daraadeed qof macaanka leh waxa haboon inuu hal xabo ama jeex liina ku tuujiyo biyo diiran subaxdii
inta uuna wax kale afka galina uu cabo. Qofka aan lahayna waxay u noqonaysaa ka hortag buuxa oo
macaanka aha.
4. Biyo badan cab.
Cabitaanka biyo badan maalintii waxay milayaan sonkorta ka timaada cuntooyinka sonkortu Ku badan
tahay kelyahana waxay uga shaqaysiinayaan si aad u saraysa.
Waxa la ogaaday oo cilmi baadhis lagu sameeyey cabitaanka biyaha iyo cudurka macaanka xidhiidhka ka
dhaxeeya, waxaan la ogaaday in dadka caba maalintii wax ka badan 2 littir oo biyo ah ay 90% aanu
haleelin cudurka macaanku markaa khubaradu waxay Ku boorinayaan dadka in la cabo biyo badan
waxay ka mid tahay hababka ugu fudud ee looga hortago cudurka macaanka.
5. Xakawada iyo macmacaanka.

Waxaa aad looga dayrinayaa shayga loo yaqaano xalwada oo noqotay shayga ugu halista badan ee bani
aadamku xanuun ka qaado sababtoo qofkuu wuxuu cunayaa xadi aanu jidhkiisii ama amateedkiisu ka
cuni kareen hadii sonkor iyo saliid ahaan loogu diyaariyo oo la yidhaa cun.
Qofku wuxuu cunayaa 0.5kg ama 0.25kg oo xalwad ah oo la macno ah 0.35kg sonkor ah qof cunaaya
waana waxyaabaha ay dadka reer yurub ugu sheegaan ama ugu magac bixiyeen (POISON FOOD) oo
macnaheedu yahay cuntadii sunta ahayd lkn dadkeenuu waxa ay u haystaan inay yahay wax heersare ah
oo u fiican nafta waxaana la ogaaday qofka maalmo isku xiga Cuba isagoo aan wax awood kicina uga
baahnayn inay xaqiiqtay inuu haleelayo cudurka Macaanka iyo Cudurka beersubagu
Fadlan ka dheerow cunada xalwada gabi ahaanba iyo waxyaabaha la midka ah.
Lasoco……

Qalinkii Cabdi Cawiye
Phone +252634115877

COMMENTS