BALIGUBADLE MEDIA
Faysal Waa Telifoonka Zaadka Ah Ee Lacagta Lagu Shubto ( Abdi-shotaly)! -
January 14, 2019 - Written by editor

Waxa wacan in la is waydiiyo, Xusbiga uu ku shaqaysto, Faysal,  ee loogu yeedho Ucid muxuu u taagan yahay? Ma waxa uu hoos yimaadaa Kulmiye, oo waa muxaafid?  Yuu mucaarid ku yahay? Mise waa xusbi loo adeeg-sado Waddani? Muxuu qabtaa ee uu mabda’iisu yahay? Maba yahay Xusbi jira?  Kan dawakhsan ee leh madax baan u ahay, waa maxay shaqadda uu ku sheeganayao Gudoomiya-nimadda? Waxa haboon, in la fahmo waxa u qarsoon, Xusbi ku sheega uu Faysal Xagaayo yidhaaho waxan u ahay Gudmoomiye. ummadu ilaa imika waxa ay kala garan la’dahay. Mr Faysal yuu mucaarid ku yahay?. hadaan isku soo xooriyo su’aalahan sare oo dhan, micne qudha bay samaynayaan,

kaas oo ah, Ucid iyo inta tidhaaha waanu ka tirsa-nahay ( Madax Iyo mijo-ba), waa duul ay cuqdadi googoysay, sidda Ramaax oo aan wax kale-ba ugu biirin, la hadh Waddani mooyee, waxay u wadda shaqeeyaan maamulka Askariga ee lagu magacaabo Kulmiye, waa Xusbi magac u yaal ah, oo loogu tallo galay in lagu shaqaysto, oo lagu rito lacag, sidda Telifoonka saadka ah, wax uga hoosee-yaana aanay jirin haba-yaraatee.

Gudoomiyihii koowaad ee Ucid Mr Naasir Buuni, wuxu kashifay hawsha uu hayo Xusbiga Ucid, oo uu yidhi, Waddani haduu Qu’raan iyo Axaadiis akhriyo, wuxu odhanayaa ” Diintuu Caayey” Mana aha Xusbi Mucaarid ah, ee waa hay’yad u abuuran, loona dhisay in ay ka soo hor-jeesato uun Xusbiga Waddani, ee dadka been bay u sheegayaan. Haduu yahay Xusbi mucaarid ah, Muxuu uga hadli waayey arimaha dhabqasan ee maamul-kani, uu isku cayn iyo bayd gooyey, waxa uu raaciyey, Xusbi noqon maayo Shandad lagu sito dhabarku.  Faysal wuxu qaadayaa heestii uu ku luuqayn jirey, (IHN) Faysal Cumar Mushteeg, ee la odhan jirey Lacageey, waayo wuu og-yahay in aanu soo baxayn, cid rabtaana aanay jirin, lagana soo hor iyo dabaka wareegay shakhsini-madiisa, wax uu yahay-na aanay jirin haba-yaraatee. Mucaarid-nimadu way ka khalkdan tahay ninkaas odayga ah. maaha in uu u kala tiriya uun Cirro iyo Waddani, halkuu uu ka hadli lahaa, siyaasadda dalka ka taagan, muciishadda samadda isku sii shareeraysa, musuq-maasaqa, Cabudhinta war-faafinta, cadaalad la’aanta, baaba’a uu dalkii u gacan galay ayaxa ku habsaday, sidda ka hablaha caaya iyo qaar kaloo badan.

Bal yaabka jira, Qofku markuu illaahay ka baqaayo, ee uu u tudhaayo ummadiisa, siyaasadda saxdda ahna uu soo ban-dhigo sidda Mr buuni, waxa la odhanayaa wuxu ku kacay anshax xumo, Qudhmiye iyo Ucid waxay ka siman yihiin, in ay kuwa ka tirsan u amraan siddii caruur ay dhaleen, kuna yidhaahaan siaa u hadal, haddiii kale anshax xumi baa lagaaga saarayaa xusbiga , taas oo dhawr jeer ku dhacday Kulmiye qaar u  nacmin jirey, siddii C/raxman C/qaadi, Jaamac Shabeel, imikana Mr Buuni oo qarxiyey sirihii Xusbi ku sheega Ucid. Waxan ku soo qawlalay qoraalkan, Qofka runta sheega ee yidhaaha, waar sidan aynu u soconaa waa khalad, mana aha siddii saxdda ahayd, mucaarid-nimadu maaha waxan aynu wadno,  ma idin la tahay in aan dib isugu noqono, oo wax ka bedelo, islana fahano qaabka ay tahay mucaaridnimo , Sidda Mr Buuni, Ma waxa la odhan karaa anshax xumo buu ku kacay, waa meel isla qudhun tahay, waxana uu cadeeyey Ucid, in aanu meel u soo marin Mucaarid-nimo, ee jiritaan-kiisuba uu ku qotoma in uu luxudka dhigo Waddani, gacan saarna la yeesho kulmiye, oo siddii lax oslaysa uu daba-dhilifka u ruxo Askariga. ma jirto siyaasad cad oo uu leeyahay Faysal girgi-roole, oo uu xusbi ku hogaamin karaa, ee waxa uu la qab-qab leeyahay, Qudhmiyaw wax i sii aan kuu jebiyo wadaniye.

N.B Nin-ba Tunkii Ha Iska Tooc-sado.

Qore:- Abdi-shotaly

[email protected]

COMMENTS