BALIGUBADLE MEDIA
Doorashooyinka Dawladaha Hoose Waa In Somaliland Laga Mabnuucaa!!!!!!!.
January 18, 2019 - Written by admin

Saxafi Madax Banaan Qoraa Ahna Murashaxa Golaha Wakiiladda Ee Somaliland
Xildhibaanadda  Deegaanka Somaliland Tiradoodu Waxay Gaadhaysaa 300 Xildhibaan,
Ugu Yaraan Xildhibaankastaaba Wuxuu Kharash Ahaan Isticmaalayaa Maalintii 200 Dollar,
Maalintii Wuxuu Kharashkooda Guud  Noqonayaa 60,000 Dollar, Lixdan Kun Oo Dollar!!!
300*200= 60,000 Usdollar!!!!!!!!!.

sakatuuri

Bishii Wuxuu Kharashkoodu Noqonayaa 1800,000 Usdollar, Milyan Iyo Sideed Boqol Oo Kun Oo Dollar, 60,000*30= 1800,000 Usdollar, Sanadkii Wuxuu Kharashkoodu Noqonayaa 21,600,000 Usdollar,
Kow Iyo Labataan Milyan Iyo Lix Boqol Oo Kun Oo Dollar!!!!!!!, 1800,000*12= 21,600,000 Usdollar!!!!!!!!!!!!!!!, Shanta Sano Wuxuu Kharashkoodu Noqonayaa 108,000,000 Usdollar!!!!!!!!, Boqol Iyo Sideed Milyan

Oo Dollar, 21,600,000*5= 108,000,000 Usdollar!!!!!!!!!!!!!!!.

Shacabwaynaha Somaliland Waxaa La Gudboon Inay Cod Midaysan Oo Ay Ku Diidayaan Golayaasha Deegaanka Inay U Gudbiyaan Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi Sidii Golayaasha Deegaanka Loo Kala Diri Lahaa Wadankana Laga Mabnuuci Lahaa Doorashadda Golayaasha Deegaanka, Xukuumadda Dhexena Ay Soo Doorato Maayar, Iyo Xoghaye Keliya Si Deegaankastaba Uu U Helo Maayar Waxqab Leh, Oo Aan Ka Dhisan Boqolaal Guri, Iyo Ganacsiyo Kala Duwan!!!!.

Xildhibaanadda Golayaasha Deegaanku Damiir Xumadooda Waxay Samaysteen Shirkaddo Xashiishka Gura, Gawaadhida Xashiishka Gurana Waa Dhaqaalihii Ama Cashuurtii Laga Soo Uruuriyay Ganacsatada, Iyo Danyarta Suuqyadda Ka Ganacsada Ee Aan Haysan Biyo Nadiifa, Caafimaad, Waxbarasho Bilaasha, Laydh Jaban.

Xildhibaanadda Golayaasha Deegaanka Yagoo Sifo Xaaraana Oo Ay Ku Boobeen Dhaqaalihii Deegaankastaba Wax Loogu Qaban Lahaa Ay Ka Dhisteen Guryo Waawayn, Iyo  Ganacsiyo Waawayn Oo Ay Kula Shiraakoobeen Ganacsatadda Dhexe Qaarkood, Shirkadaha Gaarka Loo Leeyahay Ee Ay Ka Midka Yihiin Shirkadaha Laydhka, Shirkadaha Shidaalka,

Shirkadaha Xawaaladaha Qaarkood, Karakshano Ama Warshadaha Jayga Sameeya, Gawaadhida Xamuulka Qaada.

Dawladaha Hoose Cashuuraha Ay Qaadeen Ee  75% Ay Lunsadaan, Waxaa U Sii Dheer Dhaqaalaha Kabka Ah Ee Ay Bixiso Xukuumadda Dhexe Iyo Hay’adaha Ajaanibka.

Xildhibaanadda Deegaanka Ee Iskaga Kala Dambeeyey Laba Doorasho Deegaan Oo Kala Ah Xildhibaanaddii
Deegaanka Ee 2002 ILaa Xildhibaanadda Deegaanka Ee 2012 Ee Muddo Xileedkoodu Dhamaaday Labadaas Golayaasha Deegaanka Iskaga Kala Dambeeyey Marka Laysu Geeyo Waxay Ka Hanti Boob Badan Yihiin 1000%  Shantii Xukuumadood Ee Iskaga Kala Dambeeyey Wasiiradoodii, Agaasimayaashoodii Guud, Maareeyayaashoodii, Badhasaabyadoodii Iyo Xildhibaanaddii Barlamaanka.

Xildhibaanadda Deegaanku Guryaha Ay Xaaraanta Ku Dhisteen Ee U Kiraysan Cashuur Sanadeedka Maaliyaddu Xakha U Leedahay Ma Bixiyaan, Oo Ay Diidaan Yagoo Adeegsanaya Awood Xildhibaan, Hantidan Uu Qaranka Ka Dhacayna Isu Haysta Inuu Xakh U Leeyahay Oo Tacab Fara Badani Kaga Baxeen.

Dhaqaalaha Faraha Badan Ee Xildhibaanadda Deegaanku Lunsadeen Haddii La Helayo Xukuumad Awood Leh, Oo Ku Dhac Leh, Sharcigana Ku Adag, Kuna Shaqaysa Waxaa Odhad Ama Baadhitaan Buuxa La Gelin Lahaa Golayaasha Deegaanka Hantiday Qaranka Ka Dhaceena Mood Iyo Noolba Waa La Soo Celin Lahaa, Ama Dhaqaalaha Faraha Badan Ee Ay Lunsadeen Boqolkii Dollarba 12 Dollar Loogu Cashuuro, Balse Haddaan Talaabaddaas Adag Lagu Dhici Karin Waa In Hantida Qaranka Ee Ay Dhaceen Sanadkii Mar Ay Wasaaradda Maaliyaddu Cashuurtaa.

Madaxwaynaha Waxaan Talo Ugu Soo Jeedinayaa In La Laalo Tiraddii Xildhibaanadda Wakiiladda Ee Gobolkastaba U Qoondaysnaa, Waana In La Badiyo Xildhibaanadda Wakiiladda Oo Laga Dhigo 275 Xildhibaan, Tiradaas Guudna Aan Loo Qaybin Goboladda Somaliland Balse Laga Dhigo Kor U Hay Ama Tiro Guud Oo Gobolkastaaba Wuxuu Ka Helo Uu Wakiiladda Kaga Mid Noqonayo, Tiradda Ugu Badan Ee Xildhibaankasta Laga Doonayaa Ay Noqdaan 5000 Cod, Gobolka Codadka Tirada Guud Noqdo 50,000 Konton Kun Wuxuu Golaha Wakiiladda Ku Yeelanayaa 10 Xildhibaan, Toban Xildhibaan, Gobolka Codadka Tirada Guud Noqdo Boqol Kun, 100,000 Wuxuu Golaha Wakiiladda Ku Yeelanayaa 20 Xildhibaan,

Gobolka Tirada Codadka Tiradda Guud Noqdo Boqol Iyo Konton Kun, 150,000, Wuxuu Golaha Wakiiladda Ku Yeelanayaa
30 Xildhibaan, Gobolka Codadka Tiradda Guud Noqdo Laba Boqol Oo Kun, 200,000 Wuxuu Golaha Wakiiladda Ku Yeelanayaa
40 Xildhibaan, Sadexda Xisbi Qaran Xildhibaanadda Golaha Wakiiladda Isu Soo Sharxaya Waa Inay Noqdaan Dad Diin Leh, Oo Aan Balwadlahayn, Aqoontiisuna Ay Gaadhsiisan Tahay Quraanka Tafsiirkiisa, Xadiista Micnahooda, Aqoonta Maadigana Ugu Hoosayn Inuu Dhameeyey Dugsiga Sare, Ugu Sarayna Heer Jaamacadeed!!!!!!!!!!!.
Xildhibaanadda 85% Waa Inaanay Noqon Qurbo Joog, Ee Ay Noqdaan Wadan Joog Ama Qolqol joog, Xildhibaanadda Wakiiladda Ee Qurbajooga Ahi Waxay Noqonayaan
41 Xildhibaan, Xildhibaanadda Wakiiladda Ee Qolqoljooga Ahi Waxay Noqonayaan
234 Xildhibaan.
[email protected]

COMMENTS