BALIGUBADLE MEDIA
dhibaatada goobaha iclaajyada dadka maskaxda ka jiran
January 25, 2019 - Written by admin

Ma sharcibaa in qof maskaxda ka buka lagu hayo goobo
guryo cidhiidhi ah aanay jirin dhamaan baahiyaadkii
caafimaad ee bukahu u baahnaa ee aasasiga caafimaadka
dawliga

Iclaajyadu goormay bilaabmeen shaqadoodu sharcigu
ma u ogolyahay in ay dad maskaxda ka buka ay ku hayaan
goobahooda dadka cilaajyada ka shaqeeya aqoon ma u
leeyahiin shaqadan ay hayaan goobta cilaajku ma tahay goob
loogu talo galay in lagu daryeelo dadka maskaxda ka jiran oo
ay u dhan yahiin baahiyaadkii iyo adeegyadii caafimaad ee uu
u baahan yahay bukahu sida dr maskaxda goobo nasasho
takale waxa iswaydiin mudan side loola dhaqmaa xoriyada
qofka maskaxda ka jiran ee lagu hayo goobahaas cilaajyada
Awooda dawladnimo iyo sharciga dalka ka jiraa ma jirtaa
siyaasad cad oo lagula socdo dadka lagu hayo goobaha
iclaajyada iyo xaaladooda daryeel caafimaad
fariin caafimaad

Iclaajyadu waa goobo ay ka socoto shaqooyin badan oo
midba nooc ay u taagan tahay waxa jira dalkeena iclaajyo aad
u fara badan qaar ka mid ah waxa lagu bixiyaa dawooytin dhir
ah oo dalka dibada uga yimaada qaar ka mida waxa lagu
hayaa dadka ka jiran dhimbirka hadaba waxa haboon in la is
waydiiyo aqoon intee leeg ayey u leeyahin iclaajka iyo
dabiibkiisa dadka iska leh goobahan iclaajyada wasaarada
caafimaadka Somali land maxaa uga qorshaysan goobahan
iclaajyada iclaajyadu ma ku furan yahiin sifo sharci
dawladeed ah
Xanuunka durada JINKA oo ay u badan yahiin dumarka
side lagu kala garan kara xanuunka garashada maskaxa jinka
sxirka isha marka dadwaynahu ay la xidhiidhayaan goobaha
iclaajyada dumarka miyaan loo baahnayn dumar haya
iclaajyadu waxay samaysmeen waqtigii burburkii dawladii
hore ee somaalia dalka waxa ka shaqayn jiray awooda shaqo
caafimaad ee dawliga ah sida dhakhtarada farmasiyo xadidan
iyo tayada daawooyinka dalka iman jiray oo ahaa daawooyin
lagu kalsoon yahay waxa soo raaci jiray culumo wadaada oo
quraanka kariimka wax ku dabiiba sida ilaahay yidhi
quraanku waa idin daawo ee isku dabiiba hadaba waxa loo
baahan yahay in dadka maskaxda ka jiran oo u baahan sharci
caafimaad oo lagu daaweeyo lagula dhaqmo daryeelkooda

caafimaad iyo goobo ku haboon oo loogu talo galay in ay ka
helaan dhamaan baahiyaadkii caafimaad ee ay u baahnaayen
DR: Buux Ibrahim aadam
EMAIL:[email protected]
00252 63 4130821

COMMENTS