BALIGUBADLE MEDIA
Dawladda Sucuudiga Oo La Tacaalaysa Jirriqaa Madaw oo Ku Degay Masaajidka Xaramka Ee Maka
January 10, 2019 - Written by admin

Maamulka Magaalada Barakaysan ee Makka Al Mukarama iyo Guddida Maamusha Masaajidka Barakaysan ee Xaramka ayaa bayaan wada jir ah oo ay soo saareen waxa ay ku sheegeen in ay meel wanaagsan marinayaan dagaalkii ay kula jireen Xasharaadka Madaw ee maalmihii ugu dambeeyey sida weyn ugu habsaday guud ahaan Magaalada Makka Al Mukaramma iyo gaar ahaan Masaajidka weyn ee Xurmada leh.

jiriqaa

Maalmihii ugu dambeeyey waxa baraha Bulshada la soo galiyay muuqaallo tilmaamaya kooxaha nadaafadda iyo la dagaalanka cayayaanka oo dagaal ba’an kula jira Jirriqaa Madaw oo ku habsaday Masaajidka Barakaysan ee Xaramka iyo agagaarkiisa kaasi oo meel walba fuulay oo sida koronkorta is dul tuulmay argagaxna ku abuuray dadka cimrada u yimid Masaajidka iyo kuwa salaadaha caadiga ahba ku tukanayay waxaanay maamulka Magaalada Makka Al Mukarrama iyo waliba Maamulka Masaajidada xurmada leh sheegeen in ay buufiyeen malaayiin Xasharaadkaasi Jirriqaaga ah ee Madaw oo ay wakhtigan ku hawlan yihiin sidii ay bakhtigiisa uga guri lahaayeen Gidaarrada Masaajidka, Barxadda Kacbada ee loo yaqaano saxanka Kacbada oo ah halka ay ku dawaafaan Xujaajta iyo dadka cimraysanayaa iyo waliab barxadda daaradda ee hareeraha Masaajidak xurmada leh.

Isha Ku Hay Baligubadlemedia

COMMENTS