BALIGUBADLE MEDIA
Dawladda Canada oo Magangalyo Siisay Haweenay Sucuudiyad ah oo Ka Baxday Diinta Islaamka.
January 12, 2019 - Written by admin

Haweeney Sucuudiga u dhalatay oo qoyskeeda isaga soo carartay kuna xayirantay gagida diyaaradaha ee Bangkok ayaa haatan waxa ay u duulaysaa dalka Canada si ay magangalyo halkaas u waydiisato, waxaa sidaasi sheegay saraakiisha Thailand.

Raxaf Maxamed al-Qunun, oo ah 18-jir ayaa Isniintii diidday inay raacdo diyaarad ka kicitimi laheyd Bangkok oo tegi laheyd Kuwayt, waxa ayna isku soo xidhay qol ay ka deganayd hoteel ku yaal garoonka diyaaradaha oo u kiraysnaa.

haweenay

Waxa ay sheegtay inay isaga baxday diinta Islaamka, taas oo ciqaabteeda gudaha Sucuudi Carabiya ay tahay dil.

Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan qaxootiga UNHCR ayaa waxa ay sheegtay in gabadhiisa ay tahay qaxooti dhab ah.

screen grab from a video released to AFPTV via the Twitter account of Rahaf Mohammed al-Qunun

Saraakiisha socdaalka ee Thailand ayaa bilowgii hore sheegay in gabadhaasi ay tahay inay dib ugu laabato Kuwayt, halkaas oo ay qoyskeeda ku sugayaan.

Kaddib waxa ay baraha bulshada ka bilowday olole, waxa ay barta Twitterka si toos ah u soo dhigaysay farriimo ay kaga hadlayso kiiskeeda sidoo kalana ay ku soo jiidanayso indhaha caalamka.

Caadiyan dowladaha ayaa qofka u aqoonsada inuu qaxooti yahay hasayeeshee Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan qaxootiga ee UNHCR ayaa sidoo kale qofka siin karta heerka qaxootinimada “waa marka aanan qofka la siin ama laga cagajiido heerkiisa qaxootinimada”, sida lagu sheegay barta internetka ay hay’addaasi ku leedahay.

Saraakiisha socdaalka ee Thailand ayaa waxa ay wakaaladda wararka ee Reuters u sheegeen in Canada ay “gabadha siisay magangalyo”, hasayeeshee saraakiisha Canada ayaa BBC-da u sheegay in aanay “haatan hayn” wax ay arrintaasi ku xaqiijin karaan.

Source: BBC Somali

COMMENTS