BALIGUBADLE MEDIA
Beesha Sheekh Muuse Direed Oo Garaad Cusub Ku Caleemo Saartay Toronto. SAWIRO.
January 2, 2019 - Written by admin

 Xaflad si balaadhan loo soo agaasimay oo lagu caleema saaray garaadka  guud ee Beesha Sheekh Muuse  Direed Oo ka mida beelaha dega dagaaanka  Jamhuuriyada Somaliland iyo dhamaaan deegaanada dhulka Soomaalidu degto ayaa ka dhacday magaalada Toronto ee Dalka Kanada.

Garaadkan la caleema saaray oo layidhaa Garaad Barkhad Xaaji Cabdi Cige Huube ayaa ka soo jeeda qoys hogaan dhaqameed ah oo awaawgii ahaa jiif Caaqil Cige abaahihii Xaaji Cabdi Cigena yahay  Jiif Caaqilka Beesha.

Xafladan oo ay ka soo qayb galeen madaxdhaqameed, siyaasiyiin iyo qaybaha kala duwan ee bulshada af Somaliga ku hadasha  oo  ahayd mid si heersare ah loo soo agaasimay ayaa ugu horayn waxaa faahfaahiyay ujeedada xaflada looqabtay  jiif Caqil Xasan haybe caateye “ xafladan maanta aynu joognaa waa xaflad aynu ku caleemo saarayno Garaad Barkhad Xaaji Cabdi Cige oo ku biiraya hogaanka dhaqanka Beesha Muuse Direed , waxaanan rajaynayaa in xilkaa loo doortay uu uqaban doono sida ugu wanaagsan, salaadiintii ka horaysayna uu siwanaagsan ula shaqayn doono , ummada uu ucadaalad samayn doono, waxaanan garaadka cusub ilaahay uga baryayaa inuu xilkaa loo doortay ilaahay ufududeeyo, waanan soo dhawaynaynaa” ayuu yidhi.

Sidoo kale waxaa isna ka hadlay xaflada lagu caleemo saarayay Garaad Barkhad, Boqor Xaajii Maxamed oo sheegay inuu soo dhawaynayo xilka loo doortay Garaad Barkhad isagoo ilaahayna uga baryay inuu xilka ufududeeyo Garaadka waxaanu yidhi “waxaa sharaf inoo ah hadaynu Somali nahay inaynu garaad cusub oo ku soo biiraya madax dhaqameedka Somalida uu xilkaa qaado, soomaali kastana waxaad utahay garaad, dadkana ka soo wada qaad ilmahaagii oo kale oo cadaalad usamee, ka madax dhaqameed ahaana waa maasha alla haddii aad nagu soo biirtay”.

Ugu dambayntiina waxaa hadalka qaatay garaadka Cusub ee Beesha Sheekh Muuse Direed Garaad Barakhad Xaaji Cabdi Cige isagoo uga mahad celiyay marti sharaftii ka soo qayb gashay xaflada caleemo saarkiisa “waxaan umahadcelinayaa beesha ii idmatay xilka, waxaanan rajaynayaa inaan noqon doono mid xilka uga soo baxo siwanaagsan oo cadaadal iyo  sinaan ah, waxaanan ilaahay ka rajaynayaa in uu ilaahay xilkaa ii fududeeyo, waxaanan maanta noqday garaad ka mid ah hogaan dhaqameedka ummada af Somaliga ku hadasha, waxaanan aaminsanahay inaan beesha ii idmatay iyo dhamaan Somalidaba inaan matalo  si sinaan iyo cadaalad ahna aan ku xaqsoori doono, ilaahayna waxaan ka rajaynayaa inuu xaqa iyo wanaaga ina garan siiyo”

Garaadka cusub ee Beesha Sheekh Muuse direed ayaa sheegay inuu raaci doono dhaqankii wanaagsanaa ee Hogaanka beesha u idmatay Garaad uu cadaalad iyo sinaana  ugu shaqay doono beesha, waxaanu ka codsaday dadkii ka soo qayb galay xaflada caleemo saarkiisa inay faataxada umaraa in uu ilaahay ufudaydiyo xilka beeshu u idmatay.

Xafldan oo si heersare ah loo soo agaasimay ayaa ku soo dhamaatay jawi qurux badan

IMG_7154 IMG_7153-1 IMG_7148 IMG_7149 IMG_7151 IMG_7152 IMG_7153 IMG_7147 IMG_7146 IMG_7145 IMG_7144 IMG_7143IMG_7141 IMG_7139 IMG_7137 IMG_7136 IMG_7135 IMG_7134 IMG_7133 IMG_7131 IMG_7130 IMG_7129 IMG_7122 IMG_7124 IMG_7126 IMG_7121 IMG_7120 IMG_7119 IMG_7118 IMG_7116 IMG_7115 IMG_7113 IMG_7112 IMG_7111 IMG_7110 IMG_7108 IMG_7107 IMG_7106 IMG_7104 IMG_7103IMG_7102 IMG_7101 IMG_7097-1 IMG_7097 IMG_7096 IMG_7094 IMG_7093 IMG_7092 IMG_7091 IMG_7090 IMG_7089 IMG_7088 IMG_7087 IMG_7086 IMG_7082IMG_7077 IMG_7076 IMG_7074 IMG_7073 IMG_7071 IMG_7069 IMG_7068 IMG_7063 IMG_7061 IMG_7060 IMG_7059 IMG_7055 IMG_7053 IMG_7051 IMG_7050IMG_7047 IMG_7045 IMG_7044 IMG_7043 IMG_7042 IMG_7041 IMG_7040 IMG_7039 IMG_7038 IMG_7034 IMG_7155-1 IMG_7031 IMG_7032 IMG_7032-1 IMG_7033IMG_7134 IMG_7135 IMG_7144 IMG_7153 IMG_7155 IMG_7133 IMG_7131 IMG_7130 IMG_7129 IMG_7127 IMG_7121 IMG_7122 IMG_7123 IMG_7124 IMG_7126IMG_7120 IMG_7119 IMG_7118 IMG_7116 IMG_7115 IMG_7108 IMG_7110 IMG_7111 IMG_7112 IMG_7113 IMG_7107 IMG_7106 IMG_7104 IMG_7103 IMG_7102IMG_7135

COMMENTS