BALIGUBADLE MEDIA
Colka wadhaf ma laggu dayay….. W/Q Axmednuur Guruje -
January 12, 2019 - Written by editor

sanadii 1954 ayay dawladdii ingiriisku bixisay dhulkii la odhan jirey Reserve Area , oo ka koobnaa lixdii degmo ee Awbarre .jigjiga ,Xarshin ,Awaare .Gaashaamo iyo Danood ,waxanay ku wareejisay Dawlada Itoobiya .

Wareejintaa ka dib , waxaa la sameeyay urur la odhan jirey Nafta oo macnaheedu ahaa Nafta aynu isla raacno , kaasoo ujeedadiisu ahayd soo dhicinta dhulkii la wareejiyay .

6px; font-family: inherit;”> Hadaba ururkii cusbaa wuxuu qaban qaabiyay in isla sanadkaa 1954 Wafti ka koobaan Salaadiin loo diro wadanka Ingiriiska si ay ugala soo xajaystaan dawladda ingiriiska soo celinta dhulkii maqnaa ,ingiriiskuna wuxuu usoo sheegay in aanu dhulkaasi soo noqonayne uu siinayo xornimo .

Waftigu markuu soo noqday ,ururkii Naftu wuxuu isu badalay xisbi siyaasadeed, waxana hogaamiye ka noqday Micheal Mariama oo waftida Salaadinta la socday , maadaama uu ahaa aqoon yahan dawlada ingiriiskana lasoo shaqeeyay .

Waxa kale oo wadanka ka jirey Xisbi kale oo la odhan jirey SNL iyo xisbi aan sharciyeysnayn oo la odhan jirey Xisbulaah , kuwaas oo dhamaantood ahaa xoriyad doon .

Hadaba iyadoo xukuumadii ingiriisku raacaysa siyaasadeedidi caanka ahayd ee qaybi oo xukun ,ayay si dadban ula safatay xisbigii Nuf , iyadoo ku shaabadaysay in xisbiga ay bah-wadaag ku yihiin beelo gaar ihi , halka belahaa qudheeda lagga tusay in beelaha kale ku yihiin culays , hadii aanay is gaashaan buuraysana wax ku waayayaan ,sidaas ayaanay ku samaysantay gaashaan buurta beelaha darafyada Isaaq iskaga gaashaan buuraysanayaan beesha dhexe ee isaaq .

Dhinaca kale, Xukuumadi ingiriisku iyado sii wada qaybteedii ayay samaysay xulufo kale oo u tustay beelaha darafyada in iyaga qudhoodu iska gaashaan buuraystaan beelaha dhexe , waxaana samaysantay xulufadii Boorame iyo Laascaanood .

waagaas oo ay siyaasadda ku jireen khuboro aad uGu xeel dheer dhaqan siyaasadeedku , waxay hindiseen hab ay kaga hortageen xulifooyinkaa , xisbigii SNL waxay gacanta ka geliyeen beesha Habar Awal ,sidaas ayaanay xulifadaasi ku fashilantay .

Dhinaca kale xulufadii boorame iyo Laascanood , waxay Iyana la xulufowday xisbigii SNl , waxaanay la baxeen xisbiyada SNL/USP , sidaas ayaana dawladii ingiriiska lagaga adkaaday,xornimadii lixdankiina laggu gaadhay .

Guntii iyo gabagabadii ,mantana hadii caqliga laga shaqaysiiyo oo hogaamiyeyaasha wadani fikiraan , Xisbiga Kulmiye waa laga adkaan karaa doorashooyinka soo socda ,si fududna waa loo muquunin karaa , waase hadii la garto colka wadhaf ma lagu dayay oo ah , siyaasada caqli ma lagu dayay .

COMMENTS