BALIGUBADLE MEDIA
Beesha Aadan Madoobe oo Cabasho U Gudbisay Madaxwaynaha
January 25, 2019 - Written by admin

BEESHA AADAN MADOOBE OO CABASHO  KA DHAN AH’ HOGAANKA GUDBISAY HOGAANKA HAAYADA DHAWRISTA TAYADA QARANKA ( Quality Control)  MUUSE  XASAN X.YUSUUF  UNA GUDBISAY MADAXWEYNAHA JAMHUURIYADA SOMALILAND.

Mudane Madaxweyne Anigoo ku hadlaaya afka Ugaaska guud ee dhalinrada Beesha Aadan maxamed (Aadan-madoobe)  Aqoonyahan, wax-garad iyo indheer-garadka beesha oo isku duuban,  waxaan halkan fariin wadareed Cabasho ah’  U marinaynaa  Madxweynaha jamuuriyada somaliland mudane:- muuse biixi cabdi iyo Madaxweyne ku xigeenka  Qaranka Somaliland Cabadiraxmaan Cabdillaahi Saylici in Guud Ahaamba iyo gebi ahaamba beeshu Aaanay Helin, Oo Codkii Cuudkii Iyo Cududii Beeshu Kugu  Ceemaalisay mudane madaxweyne aan Abaalkii Gudkiisii Weli Ka soo Noqon xukuumadaada sidoo kale aanay ka muuqan saami-qaybintii Qabiil xil ku qaybsiga  ee beelaha Somaliland, beeshu waxay heemalka duureed iyo hawdkaba u jeexday in xisbiga kulmiye guusha xayiigto oo aad madaxweyne Adna Goosha  guusha Aaad gaadhid, Dedaalkii Ma qasaarin oo Mudane madaxweyne Wadigaa halabsaday mansabkii aad mudaba naawilaysay iyadoo beeshuna kugu garab taagnayd.

Hadaba Mudane Madaxweyne dalkeena waxaynu ku sad qaybsanaa Mansabada xileed hab-beeleed, Inagoo ku kala saami qaadana hab-qabiileed, Mudane madaxweyne sidoo kale xilka qaranku waa sida muraayad oo kale layska arkayo, hadaba beeshii iska arki wayday iskana dheehan wayday -muraayadaas, waxay tir-sanaysaa caddaalad darro baahsan oo buuran,

mudane madaxweyne cabashadan iyo codsigan ay kuu soo gudbinayso beesha Aadan maxamed (aadan madoobe) oo isku duuban dal-joog ilaa dibad joog, in aad il-siyaasi aad ku dareen dibinyo milicsato oo aad tabashadaa iyo tiilaadan aad dib u eegis  ku samayso.

Waxaa jira masuul qabiil-ahaan reerka ah. Qiyam ahaana metala beesha oo aad mudane madaxweyne magacowday 22-02-2018 oo aad u magacowday  haayada dhawrista tayada qaranka ( Quality Control) kaa soo  lagu magacaabo Muuse xassan x. yuusuf, isagoo  hab- masuul matalaada ugu jira makaankii beeshu ku lahayd xukuumada,
Waxa uu ku haftay qiyamkii matalaada beesha isagoo ku raftay reexaamintii iyo miigaalihii beesha kulahayd xukuumadaada, Muuse xassan waxa uu shakhsi ahaan qurbaha uga soo hayaamay xil-boob, xoolo-urursi, iyo xatooyo qaran, waana shakhsi aan lahayn aqoon- iyo cilmi hagaya oo buuran waxaana taas markhaati iyo marag ugu filan hoos u dhaca iyo hawl, istaaga ku yimid haayadii hogaanka aad mudane madaxweyne uga dhigtay,
Tan iyo intii uu haayada hogaanka u qabtay waxaa jiray khilaafyo huursanaa oo markii dambe soo if-baxay una dhexeeya isaga iyo  dhamaan shaqaalaha haayada, kadib markii ay arkeen shaqo hawleedka haayada oo uu maroor u maamulayo, amar ku taaglayn iyo talo kaboodid badan ayaa uu kula kacay shaqaalaha, waxaanay khilaafkaasi sababay in ay masuulka cabasho ka gudbiyaan shaqaaluhu, ugu dambayn isagoo safar ugu maqan dalka dibadiisa ayaa ay shaqaalaha sare haayadu ku kaceen, isku bedal shaqaale iyo af-gambi iyo inay xilka ka suul daareeyaan, markii ay u dul qaadan waayeen, hab- maamulka uu haayada kuy mayracayo,
Waxaanay guud ahaan shaqaalihii haayadu isku raaceen in aanay amarkiisa dambe qaadan oo ay qaranka si hufan ugu adeegaan, maadaama oo awaamiirtiisa iyo maamulkiisa uu qalooc siyaasadeed ku jiro,  sidoo kale waxaa jira xoolo urursi xoogan isagoo laaluushyo ka luudfiya kana qaata sharikaadka daawooynka keena ee dalka, waxaanu u fududeeyaa inay dalka keenaan daawooyin tayo liita.

Hadaba mudane madaxweyne waxaanu si sharaf milgo iyo maamuus leh  kaaga  codsanaynaa ka beel ahaan maadama oo aanu masuulka qudh iyo qabiil wadaag nahay, inaad tix geliso cabashadayada oo aad qaranka, beesha, iyo shaqaalaha haayadaba ka qabato muuse xassan oo hagar-daamo iyo hilaabeyn iyo hululufsi  maroorsan ku haya haayada qaranka hal-bowlaha u ah, maadama oo ay haayadu tahay il- muhiim u ah dadka iyo dalkaba.

W/Q:-Ugaas Dhalinyarada Black Adam,
Ugaas  Cumar Jaamac Iidle

COMMENTS