BALIGUBADLE MEDIA
4 Arin oo hal-beeg dhexe iyo miisaan dheeli tiran Saami-qaybsiga Wakiilada u ah iyo 2 Sababood Awdal gaar u ah !! Dr.Khadar-Libaaxley
January 28, 2019 - Written by admin

4 Arin oo hal-beeg dhexe iyo miisaan dheeli tiran
Saami-qaybsiga Wakiilada u ah iyo 2 Sababood Awdal gaar u ah !! Dr.Khadar-
Libaaxley.

1.Horaantii 1960 markii ay ka soo go’day Boqortooyada ingiriiska in ay siiso
Somaliland xornimo calan dawladeed leh , ingiriisku waxa uu jaan-gooyey (
xubnaha tirada qaadeysa calanka xornimada oo uu uga dan la haa miisaan iyo
halbeeg afarley ah oo dawladaa uu bixinaayo ku xisaab iyo saami-qaybsada;
afartaasi nin ee uu horkacayey rabi naxariistii jano dhamaantood haka waraabiyee
Maxamed X.Ibrahim Cigaal ; 4 toodu waxa ay u xisaab taagnaayeen 50/50 oo ah
50% beesha dhexe ah iyo 50% beelaha kale ah ; hadaba iyadoo laga duulayo
hal-beegaa ingiriiska ee saami-qaybsiga uu isagu sameeyey waxa arini ku go’daa
oo dawladnimo ku taabo iyo tamar-gashaa waa hal-beegan oo la dhaqan galiyo
; hadii kale waxa Somaliland hiyigeedu yahay la gaadhimaayo waligeed.

2. Guud ahaan tirakood ummadeed oo dhameystiran, mid qoomiyadeed iyo mid
gobol intaba oo dhamaantood la hubiyey in ay ka madhanyihiin dano guracan
oo cidi maleegayso; isla 3 dan tirakoob ayaa gadaal ka noqonaaya Saami-qaybsi
ku Saleysan tirooyinka Qoomiyadaha dalka yaala , kaasi oo noqon kara mid
shaafiya 90% in ka badan.
Tirakoobkii ingiriiska 1945 kadib ee ku saleysnayd inta qof ee ceelasha biya u soo
aroorta ama Xoolaha ka waraabisa halbeegii ka rabtimay waa habkan maanta ay
u jiraan golaha wakiilada iyo guurtida tani ma’aha hab sii wadi kara ummada
Somaliland.

3. Reer Awdal waxa ay wax ku rabaan in lagu tixgaliyo waxa ay horey u soo
ahaan jireen darteed !! maxaase ay daliishanayaan??? Faafinta erayada ( Saami-
qaybsi iyo Tabasho ) waxay aad u biqil-dilaaceen dhamaan gayiga soomaalida meel
ay tahayba lagaga hadaaqayaa hadh iyo habeen kadib qoraal xikmadeysnaa oo
ku saabsanaa tabasho iyo saami-qaybsiga dawlada badhtamihii 2014 madax-

dhaqameedka Awdal u soo gudbiyeen madaxweyne siilaanyo balse arimahaasi oo
wax yar mooyee u eeg kuwo halkoodii taagan illaa maanta , ha u weynaato
arimaha doorashada wakiilada oo ay reer Awdal badi ka taaganyihiin mawqif
fog !!.
Maxay tahay Sabaha Reer Awdal u Qawadayaan tirooyinka Xildhibanada iyo
qaybaha dawlada ee ay cid walba horteed u istaadheen eray bixinta saami-
qaybsi???
Waa Qoomiyad soo ahaan jirtay Boqortooyadii islamka ku faafisay geeska afrika ee
ADAL iyo Dawlad 1230-1884, ka asal qaba curadkii soomaalida iyo dirka Cali
Cumar Wali-shamsi; Aasaasihii Boqortooyadii Ifat, sida uu tibaaxayo qoraagii
Boqortooyada ingiriisku IM.LEWIS buugiisa layidhaa ( A pastoral Democracy : A study of
pastoralist & politics Among the Northern Somali in the horn of Africa ) waxa uu
sheegayaa in qoomiyada gadabuursigu la haayeen ( 100 parliament = Xeerka Boqorka
iyo Boqolka Nin ) ( the Law of the King and the 100 men ) oo ka kooban 99
guurti iyo xeer-beegti ah iyo Ugaaska oo boqol ku ah tan iyo xiliyadii kala
duwanaa ee boqortooyadu soo mareysay, kuwaasi oo u kala asteysnaa 4 urur oo
kala ahaa 1) Gudiga difaaca iyo nabad-galyada 2) Gudiga dhaqaalaha 3) Gudiga
daryeelka arimaha bulshada iyo 4) Gudiga Cadaalada iyo garsoorka.
Gocashada xasuusaha iyo milicsiga waayaha gedmay waa waxa ugu wacan
dhuxulaha istaadhaya tiraabta ay ka mid tahay ( Tabasho iyo Saami-qaybsi ).
Hayeeshee meelaha dhaw 2 ayaa gartay oo garwaaqsaday in ay ugu cad
gooyaan masiirkooda waxa ay horey u soo ahaan jireen , 2 daasi oo kala ah
diinta islaamka iyo dawlada ethoipia :
1) Suratul Kahf : Qisada dhex mareysa Nabi Muse iyo Nabi Khadar marka ay soo
gaadhaan 2da wiil ee gidaarka kharaabka noqday hoos jooga, Nabi khadar
waaka labada wiil u dhisaya gidaarka ee ku sababeynaya taariikhda aabbahood
oo wanaagsaneyd darteed !!.
2) Magaalada Harar: Dawlada itoobiya ayaa qabsatay sabankii gumeystaha kadib
markii ay garatay ee ay garwaaqsatay horey waxa ay u soo ahaan jirtay
Magaalada Harar itoobiya waxa ay go’aansatay in magaaladaasi kaligeed ka
dhigto dawlad goboleed la mid ah 8 da dawlad goboleed ee kale ee dawlada
fadaraalka itoobiya; sidaa daraadeed reer awdal waxa ay u baahanyihiin indho
caafimaad qaba oo arka qiimeyntan mid la mid ah , garta oo garwaaqsada waxa
ay mudanyihiin reer awdal.

4. Waxa ay wax ku doonayaan juquraafiyada dhuleed barta ay kaga yaalaan
Somaliland oo ah gees damacyo badan dul-hoganayaan si aan dhamaad la hayn
muhiimna ay tahay in kalsoonida reer awdal la jadiidiyo si hagrasho la’aan
ah iyadoo laga jawaabayo baaqyadooda dawanka digniinta garaacaya ah .

Dr.khadar -Libaaxley
[email protected]
[email protected]
Regional political analysts

1/28/2019

COMMENTS