BALIGUBADLE MEDIA
Xukuumadda Soomaaliya oo Markii ugu Horeysay ka Hadashay Mooshinka Ka Dhanka ah Madaxweynaha
December 13, 2018 - Written by admin

Xukuumadda Soomaaliya ayaa markii ugu horeysay ka hadashay mooshinka xil ka qaadista oo madaxweynaha Soomaaliya ay ka gudbiyeen xildhibaanno ka tirsan Golaha Shacabka.

Ra’iisal wasaare Ku-xigeenka dalka Mahadi Maxamed Guulleed Khadar ayaa sheegay in mooshinkaasi uu jabay sida uu horeyba u sheegay xoghayaha guud ee Golaha Shacabka Cabdikariin Xaaji Cabdi Buux.

khadar guled

‘’In madaxweynaha mooshi laga keenno xil ka qaadis ah waa arin u baahan baaritaan qoto dheer oo dhinacyo badan oo laga yaabo in ay sanad socoto wax sahlan ma’aha ayuu yiri ra’iisal wasaare ku-xigeenka dalka.

Wuxuu sheegay in marka cadeymahaa oo dhan la helo madaxweynuhu xaq u leeyahay in uu iska difaaco eedeymaha loo soo jeediyay, laakiin waxaa uu meesha ka saaray in uu jiro mooshin sharci ah oo hadda Golaha ka yaala madaxweynaha Soomaaliya.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan oo maalintii shalay qoraal soo saaray ayaa sheegay in uu qabtay mooshin ay madaxweynaha ka keeneen 92 xildhibaan oo ka tirsan Golaha Shacabka lana waafajin doono sida uu hadalka u dhigay sharciga iyo xeer hoosaadka u yaala Baarlamaanka Soomaaliya.

Isha Ku Hay Baligubadlemedia

COMMENTS