BALIGUBADLE MEDIA
Wasiir guri-barwaaqo buuggiisa waxa uu ka fursan waayey in la gubo!
December 23, 2018 - Written by editor

Xubno ka tirsan gollaha guuritida Somaliland oo loo xil saaray ka soo tallo bixinta buug uu qoray qoraa guri-barwaaqo , kaas oo dhaliyey muran xoog leh  , buugga guud ahaan waxa uu ka waramaayey taariikhda Sayid Maxamed Cabdale Xasan rabbi qabriga ha u nuuree qaybo taban oo qoraagu u nisbeenaayo in ay mid tahay taariikhdiisa .

Waxa ku xusan gabayo casri jaahili ah oo deel-qaaf ku ah in lagu faafiyo bulshada dhexdeeda , sida oo kale erayo anshaxa ka baxan oo diiniyan banaanayn in qof masuul ahi qoro su qaawan u taabanaaya xubnaha iyo cawrada haweenkeena sharafta iyo milgaha mudan.

Buugga “inna Cabdale Xasan ma sheekh buu ahaa mise shaydaan ” waxa ku duugan
gabay runtii qoraagu mahadin laf -jabna ku noqday iyo liqi waa hablaheena sharafta muddan , ahaana halka ay sartu ka qudhuntay.

Cabashada buuggani waxa ay soo taagnayd muddo hadda lagu joogo ku dhawaad sannad wasiir Guri-barwaaqo kama bixin garawshiyo xaal marin midna , alloosanka murankaasi meel walba waa uu ka dhacay ilaa Jig-jigana gaadh xubno ka mid ah qoyskii Sayidku iyana waa dhibsadeen ,  uugu danbayntii waxa xalinta dacwadaa la wareegay gollaha guurida oo isla maanta ka soo saaray go’aan cad.

Xubnaha xeer-bergtida ahi waxa cod dheer ku sheegeen in gebbi ahaanba la gubo buuggaas.

” waxa aanu ahayn xubno ka kooban toddoba markii aanu ka baaraan degnay waxa aanu xal u aragnay soona saarnay go’aan ah in la gubbo gebi ahaanba buuggaas , meelaha uu ku kaydsanyahayna laga soo ururiyo, waajibna ay tahay in aan lagu arag maktabaha akhriska , sida oo kale ay reeban tahay in la qoro gabayada jaahiliga ah ee wakhtiyadii hore la is dhaafsan jiray si aanay waxyeelo u gaadhsiin wadda jirka shacabka , jiilka soo korayaana taariikhdaa xun la tusin”.

Tallo waa mar aad garan weydo iyo mar aad gaadhi weydo , guri-barwaaqo maradiisa ayaa ku gubatay fartiisa ayaa uu eeday, haddii kaskiisu siiyey cayda iyo fadeexada hablahooda oo taasi ka dhacdag qiilka uu doono ha u raacee , markii tallo fara ka baxday arinkiina dibada u soo baxay waxa ay ahayd in uu si masuuliyadi ku jiroto arinta u gallo oo raali galin buuxda ka bixiyo , buuggtana gacantiisa uu ku gubo ” haddii ay fooli timaad gudo qarsiimo hadhay”  haddii uu sidaa yeeeli lahaa maanta la isma soo gaadheenba .

Hadda kabna waa uu lulayaa kabna waa uu laalaadinayaa ceebi kama hadhin oo waa isagii oon biyo is marin , tamarna uuma hadhin buuggiisii indhihiisa oo shan ah ayaa la gubayaa  maxaa la gudboon hadda?

Kaliya waxa u sharaf  ah maanta intii cid kale dab qabadsiin lahayd in isagu gamcihiisa ku gubo saamaxaadna ka dalbado cid kasta  oo dhibsatay buuggaas , daabacaad danbana aanu soo saarin.

Mohamed Hussein

COMMENTS