BALIGUBADLE MEDIA
Somaliland: Xeerarka Soomaaliya Sameystaan Waa Bilaa Micne.
December 31, 2018 - Written by admin

Waxaan dhawaan ku arkay shabakadaha Somaliland qoraalo qaylo dhaan ah “Hayaay, ka kacaay” iwm oo ka cabaadaya xeerar asxaabta taag daran ee Xamar yururaa ay sameysteen. Waxaan leeyahay xeerka kowaad waxa weeye:

SOMALILAND IYO SOOMALIYA WAXAY AHAAYEEN LABA DAL OO MADAXBANAAN OO 1960 ISU TAG SAMEEYAY, ABUURAY DALKII LA ODHAN JIRAY JAMHUURIYADDA SOOMAALIYA OO BUR-BURAY 1991. KA DIBNA SOMALILAND XORREYADEEDI LA SOO NOQOTAY.

Waa kaa xeerka kowaad, wixii ka dambeeyo waa sheeko baralay. Weligaaba xeer iyo sharci sameyso, hadii aanad lahayn awood ama ogolaansho ka yimid ummada, sidee baad ku fulin kartaa? Yaana kuu fulin?

Asxaabta Soomaaliya uu Farmaajo iyo colkiisu hoggaan u yihiin, waa “technocrats” aad moodid in ay weli Buffalo ku sharabayaan, “shooting the breeze”. Mala’awaal ku jira, mirqaansan.

Xeerka iyo sharciga laga sameeyo, ka soo mid qaad, Mareykanka iyo ka Geeska Afrika, waxaa u dhaxeeyea faraq weyn. Mareykanka, xumaan iyo samaan, dad la soo doortay baa xeerarka dhisa, sharci sameeya, heshiisyo gala. Madaxweyne Muuse Biixi oo qaar yidhaahdaan “wuu qalafsanyahay, oo handraab iyo jeegaan buu la ordayaa” ayaa si xor iyo xalaal leh , Hal qof, Hal cod lagu doortay.

Hadaba kuwan magaca Soomaaliya ku dawarsanaya, yaa doortay? Asxaabta Xamar isku maa’weelinasa waxay ku wanaagsan yihiin ” iska dhaadhicin iyo af-macaanka ajnabi”.. “Danta dadka iyo dalka, we will do our best”. Nasiib daro, shaqsiga ajnabigu odhan maayo ” Waa ayo dadka adiga ku doortay”.

Somaliland iyo Soomaaliya waa laba dal oo leh dhaqan siyaasadeed oo kala duwan. Somaliland, bari Ilaa galbeed, miyi Ilaa magaalo, “beenta iyo hadalka raqiiska” aad iyo aad baynu u necebnahay. ” Waar runtu maxay tahay, ami ha I gubto ama aan ku farxee, runta ee sheeg” Midhkaas waa dabeecad ka mid ah shaqsiga Somalilnaderka ah.

Asxaabta Xamar lakiin waxaad moodaa in ay dhaqanka siyaasadeed ka racaan Talyaaniga. Talyaaniga yaa ka xarago badan, oo ka “system” jecel. Wuxuu ku odhanayaa “tutto apposto”‘ musuqmaasuq iyo riwaayadna wuu ku nool yahay.

Asxaabta Xamar waa asxaab isku duubta shaadhka “Soomaalinimmo”, hadhowna calooshood u shaqaystayaal diyaaradaha ku rusheeya rayidka keena.

Soomaali si wanaagsan isu baratay. Oo bur-bur, halaag, bara’kac iyo xasuuq baa is baray. Ismaciil Cali Abokor baa laga hayaa, markii xabsigii Labaatan Jirow laga soo daayey ” Kacaan aan la ordayey baa la igu kufiyey” Waa kuwii uun, oo aan biyo is marin, iyo dhowr dabo-dhilif oo Somaliland ku saaqiday.

Weligaaba xeer sameyso, oo magaca Somaliland ku dawarso. La is baray, yaan mar labaad la isku soo lug go’in

Allaa Mahad Leh

COMMENTS