BALIGUBADLE MEDIA
Sidee cilmiga dhaqaluhu u xaliyaa hoos u dhac ku yimada awooda wax iibsi ee bulshada (W/Q: Mukhtaar Cabdi Cilmi)
December 7, 2018 - Written by admin

Ugu horayn aan bal ka jawaabno muxuu yahay dhaqaale? Jawaabta su,aashan ma jirto jawaab kaliya
oo laysku waafaqsan yahay balse khuburadada ku xeel dheer cilmiga dhaqaalaha waxay kaga
jawaabeen jawaabo kala duwan oo mid waliba uu ka eegay dhinac uu isagu u arko inay sax ku
tahay jawaaabta suaashaas, bal aan soo qaadano qaar ka mida ah jawaaabahaas:
Qaamuuska Dhaqaalaha ee Economists dictionary ayaa wuuxu ku qeexay dhaqaaalaha in uu yahay
qayb ka mida cilmiga bulshada taas oo khusaysa Barashada wax soo saarka(production) ,Qeybinta (
distribution)iyo sidoo kale isticmaalka(consumption ) ee  hantida bulshadda.
Sidoo kale ururka caalamiga ah ee ka faaloda arimaha dhaqaalaha ee layidha( American Economic
Association) wuxuu leyahay dhaqaale waxaa weeyan sida ay dadku u isticmaalaan khayraad
(resource) ay haystaan una qaataan doorashada saxda ah ee ugu haboon.
Isla su,aashaa hadii aniga lay waydiin lahaa waxaan kaga jawaabi lahaa waa sida khayraad aad
haysato loogu isticmaalo loona habeeyo sida ugu wanaagsan uguna macquulsan waayo khayraadka
addunka yaala waa kooban yahay (scarce resources) baahida dadka addunka taalana waa mid aan
lahayn xad taasina waa aragti kale oo ay qabaan qaybo badan oo khuburada cilmiga dhaqaalaha ku
talax tagay.
Hadii aan u soo noqdo jawaabta su,aasha aan ciwaanka uga dhignay maqaalkeenan oo ah Siduu
cilmiga dhaqaaluhu u xaliyaa hoos u dhac ku yimada awooda wax iibsi bulshada?.
Inta anan ka jawaabin su,asha bal aan soo qato qaybo ka mida meelaha aan islenahay wuu ka
yimadaa dakhliga soo gala guud ahaan dadka ku nool Somaliland kuwaa oo kala ah:
ü Dakhliga ka soo gala guud ahaan noocyada kala duwan ee ganacsiga.
ü Dakhliga ka soo gala shaqo la qabtay sida mushaharka, guno, yomiye iwm.
ü Dakhliga ka soo gala kirooyinka noocay doonto ha noqdee.
ü Dakhliga ka soo gala caawinta sida ka dadku isi siyaan qaraabo ahaan ,sadaqo ahaan ama
hadyad ahan sida ku gulaysiga bakhtiyaanasibyada.
Dhamaan kuwaa aan kor ku soo xusnay waa qaybo ka mida sida loo kasbado dakhli ku soo gala
maalin walba, todobaadkasta,bil kasta ama sanadkiiba hal mar kuwaas oo qof waliba u isticmaalo
siyaabo kala duwan oo uu ku maaraynayo noloshiisa iyo ta qaraabadiisa kolba sida uu yahay, bal an

soo qaadano sida aan u aragno inay u caawin karto qof walba oo ka mida bulshada kala duwan ee
uu soo galo dakhliyada kala duwan, sidoo kalena inago yaqiinsan xeerka dhaaalaha ee odhanaya
markasta oo dakhligaagu bato baahidaaduna way badata.Dakhliga soo gala hadii aanu ku filayn
noloshada sababo badan oo jira awgeed sida sicir bararka, dakhli kale oo ku soo gali jiray oo aad
waydo iwm.
waxaad samayn kartaa qodobadan:
Ø Diyaarso budget ku fadhiya xaqiiqada waxa ku soo gala kuna fadhisii baahidadad sida u kala
horeeyaan una kala mihiimsan yihiin.
Ø Waxaaad yaraynaysaa kharashaadka kaaga baxa waxyaabaha laga marmi karo ee aan
noloshada mihiimaad badan u lahayn, si aad isugu filaysiiso kharashka bahidaada mihiimka
ahna xal ugu hesho.
Ø Marka ay qaali garoobaan qaybo kamida alaabtii ama adeegii aad isticmaali jirtay, awoodna
aad u waydo, waxaad badhiaysa inay jirto alaabta mid lamida oo ka jaban una dhaw
isticmaal ahaan sida tayada (Substitute goods and service)
Ø Waxaad kordhinaysaa saacadaha shaqada si aad u hesho dakhli dheerada oo kaa kafeeya
baahidada soo korodhay ama qiimayasha shayada aad isticmali jirtay oo qaali garoobay.
Ø Waa inaad doonta il- dakhli oo kale oo aad ku kabto dakhligaagi hore bahidadiina daboosha

W/Q: Mukhtaar Cabdi Cilmi ( Xoogsade)
(MBA) Accounting and Finance, Mount Kenya University
[email protected]

COMMENTS