BALIGUBADLE MEDIA
Shirkadda Korontadda ee Sompower oo Macaamiisha Hargeysa Aan Ka Wada Qaadin Qiime Isku Mid ah + Degmooyin Khaas ah oo Ay Caaglaysatay
December 4, 2018 - Written by editor

shirkadda laydhka ee sompower ayaa isku badashay shirkad dhibaatooyin gaar ah ku haysa dadwaynaha degmadda axmed dhagax kuwaas oo qorshe kootaysan ugula wareegtay awooda koronto ee degmooyinka axmed dhagax iyo 31 may hadaba waxaynu maanta is barbar dhig ku samayn doonaa qiimaha shirkadani ka qaado macaamiiisheeda degmooyinka axmed dhagax iyo 31 may iyo qiimaha ay ka qaadi macaamiisheeda degmooyinka 26 june iyo koodbuur iyo gacan libaax

sompower4

halka kiiloo waat waxa laga qaadaa labadda degmo ee  axmed dhagax iyo 31 may  0.79 halka degmooyinka june iyo koodbuur laga qaado 0.5  halkaa waxa ka cad in shirkadani kiishado waawayn u soo tolatay macaamiisheeda degmooyinka axmed dhagax iyo 31 may iyadoo sidoo kale labadan degmo ka caydhisay dhamaan shirkadihii kale ee kula tartami lahaa walaw ay arintaa khaladkeeda leeyihiin dadwaynaha deegaanadan oo aan ilaa hadda fahmin xuquuqdooda ku aadan inay helaan shirkado ku dhex tartama korontada deegaanadooda

sidoo kale waxa baryahan dambe soo batay koronto xumadda shirkadda som power taas oo maalintii ama habeenkii laba jeer oo bakhida islamarkaana korontadu dadka ka maqnaato wakhti saacado ah islamarkaana aanay jirin shirkado kale uu kula dhex tartama degmooyinkan

isku soo wada duuboo dadwaynaha deegaanadan waxa la gudboon inay heeryadda iska qaadaan isla markaana ka toosaan halisaha qarsoon ee shirkadda laydhka ee som power ku hayso xaafadahooda iyaoo haday dhinaca qiimaha iyo dhinaca korontadaba aad moodo inay si gaara u bahdilanyihiin dadwaynaha deegaanadani

Isha Ku Hay Baligubadlemedia

COMMENTS