BALIGUBADLE MEDIA
Puntland: Musharrixiin Ka Hor Yimid Guddiga uu Magacaabay Madaxwayne Cabdiweli Gaas
December 5, 2018 - Written by editor

Musharraxiinta u tartamaysa jagada madaxweynimada Puntland ee doorashada soo aaddan ee 2019ka qaar ka mid ah  ayaa ka hor yimid  guddigii uu shalay magacaabay madaxweynaha Puntland, Cabdiweli Maxamed Cali Gaas, guddigaasi oo ahaa guddiga xallinta khilaafaadka iyo ansixinta baarlamaanka,waxaana dhanka kale ay taageereen guddiga uu magacaabay madaxweyne ku-xigeenka.

musharaxiinta puntland

Musharraxiinta oo saxafada kula hadlay magaalada Garoowe ee xarunta Puntland ayaa diidmadooda ku sababeeyey qodobbo dhawr ah oo ay ka mid tahay caddaalad darro laga sameeyey xulidda xubnahaasi, la-tashi la’aan madaxweyne kuxigeenka, iyo guddoomiye Baarlamaan, eex, nin-jeclaysi, danaysi doorasho iyo arrimo kale isla qaddiyadahaasi ka ag-dhaw.

Hoos ka akhri, warsaxaafadeedka musharrixiinta;

Annaga oo ah golaha musharrixiinta dawladda Puntland 2019 oo magacyadoodu hoos ku qoran yihiin:

1. Dr. Aadan Maxamad Ciise (Gaadaale)

2. Eng. Cabdirizaaq Cabdullahi Jaamac (Jannagale)

3. General Khaliif Ciise Mudan

4. Eng. Maxamad Cabdullahi Xuseen (Shortaaye)

5. Cali Xaaji warsame
6. Maxamad Siciid (Morgan)

7. C/samad Maxamad (Gallan)

8. General Axmad Jaamac (Shaale)

9. Mudane Mohamud Cabdi Maxamad

10. General Siciid Maxamad Xirsi (Siciid dheere)

11. Xuseen Axmad Xasan Fiqi

12. Saciid Cali

13. Dr. Maxamad Salaad (Qoryooley)

14. Dr. Saadiq Eenow

15. Xaaji Maxamad Yaasiin

16. C/weli C/maan Geyre

Markaan aragnay liiska xubnaha “guddiga ansixinta iyo xallinta khilaafaadka”, waxaa noo muuqata in madax weynaha waqtigiisii gabaabsiga yahay uu ku tallaabsanaayo arrimo bur-bur ku ah dawladnimada iyo wada jirka reer Puntland taas oo ah in uu magaacaabay wuxuu ku tilmaamay “guddiga ansixinta iyo xallinta khilaafaadka” haddaba sidaannu horaba uga digney guddigaasi wuxuu u muuqda in uu yahay mid u shaqaynaya oo keliya madax weynaha dhowrka wiig uga hartay xilkii 5 sano ka hor loo doortay.

1. Waa markii ugu horreysey oo taariikhda Puntland madaxweyne iyo madaxweyne ku xigeen ay soo kala saaraan labo liis oo iska soo horjeeda sababna ay u tahay in madaxweynuhu taladii dalka keligii marooqsaday.

2. Waa markii ugu horreysey oo reer Puntland arkaan madaxweyne soo magacaabay guddi uusan kala tashan Guddoomiyaha baarlamaanka iyo madaxweyne ku xigeenka taasoo khilaafsan dastuurka Puntland.

3. Wuxuu magacaabay guddi aan dhex-dhexaad loo arag oo isugu jira:

1. Maamulkiisa khaaska ah sida: guddoomiye ku xigeen gobol, agaasime iyo guud.

2. Qaraabo iyo xidid

3. La taliyayaashiisa gaarka ah

4. Dad ay xoolo wadaag yihiin “Business partners”

5. Kuwo si shakhsi ahaan ugu adeega

4. Waa guddi uusan ka tala gelin murashaxiinta u tartamaya xilka madaxweynenimo oo foodda ina ku soo haya.

Waxaan caddaynaynaa in aan si cad uga soo horjeedno guddiga uu magacaabay Cabdiweli Maxamad Cali Gaas maxaa yeelay wuxuu khilaafsan yahay dhammaan shurrudihii iyo wada tashigii ka dhexayn lahaa 3 hoggaamiye ee dawladda iyo sidoo kale dawladda iyo murashaxiinta.

Sidaa darted waxaan taageersanahay liiska iyo go’aammada uu soo saaray Madaxweyne ku xigeenka dawladda Puntland waayo waxay ku yimaadeen wada tashi dhexmaray

• Madaxweyne ku xigeenka dawladda Puntland, Cabdi-Xakiim Xaaji Cabdullahi Cumar (Camey)

• Guddoomiyaha baarlamaanku Axmad Cali Xaashi

• Musharrixiinta u tartamaaya xilka madaxweyne-nimo ee dawladda Puntland

• Waa xubno dhex-dhexaad ah oo buuxiyey shuruudihii ay musharrixiintu ku soo saareen war saxaafadeedkii soo baxay Dec. 1, 2019

1. Waa in shuruudaha gudiga iyo awoodahooda la isku waafaqo oo Musharaxiinta, Issimada, Dowladda iyo Bulshada rayidka ahi isku raacaan.

2. In laga wada tashado magacaabista guddiga Xalinta Khilaafaadka iyo kala Saaridda Xildhibaanada, si looga hortago is qabqabsi iyo ku tagrifal masiirka umadda.

3. In xubnaha guddigu noqdaan kuwo isu dheelitiran Kana kooban gobolada Puntland.

4. In guddiga aysan ka mid noqon karin shaqalaha dowladda, la taliyayaasha iyo kuwa ka shaqeeya xaafiisyada madaxda sare ee dowladda si loo ilaaliyo madax banaanidda guddiga.

5. In xubnaha guddiga aysan ka mid noqon karin qof ku cad ama u ololeeya musharax gaar ah.

Gabagabadii,Waxaa noo muuqata in tallaabooyinka uu qaadayo madaxweyne Cabdiweli ay keeni karaan burbur, khilaaf siyaasadeed iyo khal-khal amni taasoo uu madaxweynuhu keligiis masuul ka yahay. uun kula gal-galanaayo cid aan shaqo ku lahayn.

Isha Ku Hay Baligubadlemedia

COMMENTS