BALIGUBADLE MEDIA
Maxay ka wada-hadleen dowladaha Talyaaniga iyo Soomaaliya
December 5, 2018 - Written by admin

Wasiiru dowlaha wasaaradda arrimaha dibadda xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya,Cabdulqaadir Axmed-kheyr Cabdi  ayaa kulan gaar ah la qaatay Safiirka Talyaaniga u fadhiya Soomaaliya Carlo Campanile,iyadoo kulanka ay goob-joog ahaayeen diblomaasiyiin sare oo ka tirsan wasaaradda arrimaha dibadda.

italy

Cabdulqaadir Axmed-kheyr ayaa muujiyay sida uu ugu faraxsan yahay xiriirka taariikhiga ah ee u dhaxeeya Soomaaliya iyo Talyaaniga.

Dhinaca kale, wuxuu tilmaamay  qoto dheerida xiriirka labada dal u dhaxeeya isagoo muujiyay rajada uu ka qabo in la horumariyo iskaashiga laba dhinac  si loogu adeeggo danaha bulshooyinka labada dhinac.

Geesta kale Safiirka Talyaaniga ayaa sheegay in dalkiisu doonayo inuu dib u soo celiyo xiriirkii soo jireenka ahaa u dhexeyn jiray Soomaaliya iyo Talyaaniga si loo xoojiyo wax wada qabsiga iyo ka shaqeynta danaha labada waddan.

Carlo Campanile ayaa tilmaamay in Roma ay joogteyn doonto isku duwidda heerka sare ee Muqdisho si loo ballaariyo iskaashiga si muwaadiniinta rajooyinka kor loogu qaado.

Xukuumadda Soomaaliya ayaa u muuqata mid dib u soo celineysa xiriirkii caalamiga ahaa ee arrimaha dibedda.

Isha Ku Hay Baligubadlemedia

COMMENTS