BALIGUBADLE MEDIA
Madaxweyne Farmaajo oo Laga Dalbaday Inuu Raali-galin Ka Bixiyo Dhiibistii Qalbi-Dhagax
December 22, 2018 - Written by admin

Iyadoo Qoraal ka soo baxay xafiiska Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan lagu sheegay in laga tanaasulay mooshinkii xil ka qaadista madaxweynaha Soomaaliya, ayaa dhinaca kale waxaa jira sharuudo xildhibaannadii tanaasulay ay ku xireen madaxweyne Farmaajo.

madaxwayne farmaajo

Qoraalka oo ka koobnaa ilaa 9 qodobo ayaa lagu soo bandhigay sharuudo ay ku xireen madaxweynaha oo sida ay sheegeen looga fadhiyo in uu fuliyo, waxaana ka mid ah in madaxweynuhu raali-galin ka bixiyo dhiibistii Cabdikraiin Sheekh Muuse Qalbi-Dhagax iyo in fara-galinta laga daayo howlaha Baarlamaanka gaar ahaan Golaha Shacabka.

Waxaa kaloo ku jira qodobada, dhismaha maxkamadda Dastuuriga, dhaqse u bilaabida wada hadalladii Somaliland, iyo in xukuumaddu ka laabato go’aankii ay horay ugu dartay liiska Argagixisada Ururka ONLF.

Akhriso Qoraalka ka soo baxay xildhibaannadda :

 

dhiibis

 

dhiibis2

Isha Ku Hay Baligubadlemedia

COMMENTS