BALIGUBADLE MEDIA
Madaxwaynaha Somaliland oo Dhinac Maray Hanaankii Wanaagsanaa ee Somaliland Ku Soo Caana Maashay.
December 4, 2018 - Written by editor

madaxwaynaha somaliland muuse biixi cabdi ayaa ka baydhay islamarkaana dhinac maray hanaankii wanaagsanaa ee somaliland ku soo caana maashay kaas oo ahaa wadatashiga iyo isku tanaasulka waxaana ilaa hadda madaxwayne biixi ku dhaqmayaa dabeecad somaliland ku cusub oo ah ku jiqsii iyo kalitalisnimo taas oo aan somaliland wax horumar ah u keeni karin

kornayle muuse

muranka axsaabta iyo madaxwaynaha ee komishanka ayaa ah mid soo jiitamayay sanadkii u dambeeyay waxaana madaxwaynaha looga fadhiyay inuu dhinac isku dhaafiyo murankaas islamarkaana uu miiska wadahadalka ku dayo xaajadda balse madaxwaynuhu taas wuu dhinac maray waxaanay xaajadiisu noqotay midi midi ku taag

si kastaba ha ahaatee hadii madaxwaynuhu wax ka badali waayo dabeecadihiisan waxa sii adkaan doonta talaabooyinka wadajira oo qarankani hore u qaado waxaanay xaajadu noqon doontaa mid sii fool xumaata natiijo aan wanaagsanayna ku soo dhamaata

Isha Ku Hay Baligubadlemedia

COMMENTS