BALIGUBADLE MEDIA
Madaxwaynaha Eriteria oo La Filayo Inuu Booqasho Rasmiya Ku Tago Dalka Jabuuti
December 6, 2018 - Written by admin

Madaxwaynaha Dalka ERitrea isais afawerki ayaa la filayaa inuu dhawaan booqasho rasmiya ku tago dalka jabuuti oo mudooyinkii u dambeeyay colaadi ka dhaxaysay dalkiisa

djibouti and eritrea

wasiirka arrimaha dibadda jabuuti maxamed cali yuusuf ayaa waraysi uu siiyay wakaaladda wararka Anadol ku sheegay in madaxwyane isais afewerki uu dhawaan booqasho ku iman doono dalkiisa kadib markii dawladiisu aqbashay dalabka socdaalkiisa

afewerki ayaa marka uu tago jabuuti kulan la qaadan doona dhigiisa jabuuti ismaaciil cumar geele iyagoo ka wada hadli doona sidii xal waara looga gaadhi lahaa khilaafka xad ee u dhexeeya labada dal looguna wada noolan lahaa daris wanaag iyo nabad galyo

madaxwaynayaasha labada dal ayaa bishii semtember ee la soo dhaafay ku kulmay magaaladda jeddah ee dalka sucuudiga kulankaas oo ahaa kii ugu horeeyay ee labadda hogaamiye yeeshaan wixii ka dambeeyay markii labadda dawladood ku dagaalameen jaziiradda dumeera ee ay ku muransanyihiin lahaanshaheeda

Isha Ku Hay Baligubadlemedia

COMMENTS