BALIGUBADLE MEDIA
Ha biimay Naftoo Bilig ha Iska Odhanin.
December 28, 2018 - Written by admin

Sida ayanu ognahay tahriibka dhalinyaradu waa aafo saamayn wayn ku yeelatay Shucuubta Geeska Africa oo aan indhaha laga qarsan karin gaarahaan Umada somaliyeed. Waa hayaan iyo jarmaad loo guuray Waddamada shisheeye gaarahaan Europe iyo qaar kamida Waddamada carabeed. Waa socod aan lahayn jaan goyn iyo yool sax ah, Waana waddo Halis baddan oo ah inaad biimayso naftaada .walow ay imika aad hoos ugu dhacday oo ay la dagaalameen wadamadii la tagi jiray iyo Kuwii la sii mari jiray.
Taa waxaa ka daran waa halista waalid badan oo hooyo iyo aabo-ba leh Gama udiiday markii ubadkoodii ay ku tabacayeen si hubanti la’aana iska kaga dhaqaaqay , kadib ay ka dhaxleen  huq iyo hanqaaran la qaybsaday noloshooda iyo dhaqaalahoodaba .

waxaa ka sii darane lacagaha Aan xadka lahayn ee lagu qaado jidkan halista badan ee Lagu tacabiro,
Waxaa halistaa ku idlaadey dhalinyaro badan oo uu haadku ku dhuuxay lafahoodii dhaadheeraa badaha iyo xeebaha suudaan iyo lebiya iyo wadamo kale jidka ah , imisa aad garanaysaan ayaa Badda iyo Saxaraha Maydkoodii qado iyo quraac ka dhigteen Habar dugaaga badda iyo barigu, iyadoo Qadarka alle aan labaajin Karin.

Khatarta jidka dheer ee luf-lufka iyo looyaanka badan ee Africa ku  xayndaabani maaha mid aan qalin ku suuraynayo ama ku sharxayo ee waa xasuus kooban oo aan doonayo in dhagah iyo laga fuyraysan  ee ay casharadaas si fiican inoogu sharxi doonaan tariibayaasha iyagu kabadbaaday.
Tahriibka waayahii dambe wuxuu noqday mid dadka loo kala iibsado   Qaarad to Qaarad, Gobol to gobol , magaalo to magaalo, Jeel to Jeel, wadan to wadan , Dilaal to dilaal .

Waxayaabaha tahriibka sababta wayn u ah sida la sheego waxaa ka mida Dawlad-la’aanta Sodonkii Sano ee udambeeyay. Shaqo laa aanta dhalinyarad Somaliyeed, Buufiska Europe jacayl ka ah , iyo kii tagay oo ku kale ku dhiiri galiyay inuu qofkaasi halistaa usoo badheedho, hadana dhamaantood maaha Sababo cad  oo loo ldaliishan karo aafadan tahriibka.

Hada bilihii ugu dambeeyay waxaa masaajidada magaalooyinka Somaliland Looga ducaynyay 18 Dhalinyaro ah oo la dul dhigay lacag ayna waligoodna awoodin xabsi dalka Lebiya ahna ku jira  sida la soo sheegayna ka badan wax laga bixin karo , oo sanadihii ugu dambeeyay tahriibka lacagta lagu qaadaa waxay 15 jeer kabadantay tii hore. illahay waxaanka baryaynaa inuu ka soo daayo ,kaliya waxay soocodsadeen in loosooduceeyo iyaba waacibaaro.
Taa badalkeedana waxaa jira in yar oo ku guulaystay tahriibka gaadhayna Europe laakiin aan wax badan tari Karin iyadoo qasab lagaga dhigay luuqadaha wadamada ay tageen waxlagu siiyo sifo qaxoonti.

Guntii iyo gabagabadii  iska aamina dalka hooyo hadaanad hay hab aadku baxdo sax ah ,Hadaad tahay dhalinyaro somaliyeed ma ka haboontay inaad ka fakirto in aad wax uxaliso jidkaa mid kaduwan hadii nuun niyadada gashay tahriibku.??

Akhrsite waxaan kugula talinayaa inaad kawacyigaliso dhalinteena tahriibka wallow duruufo badani ku gadaamanyihiin hadana xal maaha.

W/Q: Abdirashid Awmuse Aadan  ([email protected])

COMMENTS