BALIGUBADLE MEDIA
Gudoomiyaha Golaha Shacabka Somaliya oo Hadda Ka Hadlay Xadhiga Sheekh Roobow Iyo Xaaladda Baydhabo
December 15, 2018 - Written by admin

Gudoomiyaha Baarlamaanka Somaliya Maxamed Mursal Sh Cabdiraxmaan  ayaa goor dhaweyd Warbaahinta kula Hadley magaalada Moqdisho ayaa waxaa uu ka Hadley xaalada ka taagan magaalada Baydhabo

mursal8

Ugu Horeyn Gudoomiye Mursal ayaa waxaa uu tacsi u diray dadkii ku dhintey rabshadihii ka dhacay magaalada Baydhabo dhawr kii maalmood ee ugu danbeeyey .

Sidoo kale Gudoomiyaha Baarlamaanka Somaliya ayaa waxaa uu shaaciyey In Sh Mukhtaar Roobow uu  yahay Muwaadin Soomaliyeed oo xaq u leh in la doorto isla markaana  uu buuxiyey dhamaan shuruudihii Musharax-nimo.

Gudoomiye Mursal ayaa waxaa uu xukuumada Somaliya ugu baaqey in deg deg xoriyadiisa loogu soo celiyo Sh Mukhtaar Roobow isla markaana uu dib ugu  noqdo deegaankii laga soo xidhay ee Baydhabo si  uu tartanka doorashada uga qeyb galo

Isha Ku Hay Baligubadlemedia

COMMENTS