BALIGUBADLE MEDIA
Daawo Siciid Dahabshiil oo Faahfaahin Ka Bixiyey Barnaamij Cusub oo Lacagta Meesha aad Doontid ugu Diran Kartid
December 23, 2018 - Written by editor

Gudoomiyaha Shirkada TalkRemit Siciid Maxamed Siciid (Dahabshiil) oo ah wiil uu dhalay ganacsadaha weyn ee Dahabshiil ayaa faahfaahin cusub ka bixiyey APP cusub oo aad lacagta meeshii aad adduunka ka doontid ugu dirsan kartid.
APP-kan cusub oo lagu magacaabo TalkRemit ayaa waxaa maalgeliyey Gudoomiyaha Shirkadda Dahabshiil Maxamed Siciid.

siciid maxamed siciid

SIciid Dahabshiil oo u waramayey Telefishanka BBC qaybta afka Soomaaliga ayaa sheegay in APP-kani uu soo kordhin doono adeegyo fududaynaya isu dirka lacagaha iyo horumarka Ganacsiga, iyadoo ay dheertahay inaad APP-kan kala hadli kartid ehelkaaga ama qofkaad lacagta u dirtay, wuxuu leeyahay messenger sida Whatsapp ka oo kale ah, uma baahnid inaad xawaalad tagto, meelkasta oo aad joogto waxaad isticmaali kartaa Guri, Xafiis, Shaqada ama Suuqa .

APP-kan waxaad ka heli kartaa Play Store ama Andriod

HOOS KA DAAWO WARAYSIGII GUDOOMIYE SMS:

Isha Ku Hay Baligubadlemedia

COMMENTS