BALIGUBADLE MEDIA
Beesha Caalamka oo Madaxwayne Biixi Ku Canaanatay Dibu Dhaca Doorashooyinka Somaliland
December 4, 2018 - Written by editor

beesha caalamka khaas ahaan dalalka somaliland ka taageera dhinaca doorashooyinka ayaa xidhiidho ay la sameeyeen madaxwaynaha somaliland ku canaantay dibu dhaca doorashooyinka somaliland iyagoo sheegay inaan masuuliyadii loo baahnaa madaxwaynuhu iska saarin qabsoomida doorashooyinka iyo xalinta khilaafka axsaabta ee ku aadan komishanka doorashooyinka

breaking news

waxay madaxwaynaha ugu baaqeen inuu si degdega u xaliyo khilaafka jira islamarkaana uu qaab masuuliyadi ku dheehantahay iskaga saaro inuu dalka doorashooyin ka qabto

madaxwayne biixi ayaan la garanayn jawaabta uu ka bixiyay arintan balse dalalka daneeya dimuqraadiyadda somaliland ayaa walaac wayn ka muujiyay dimuqraadiyadii somaliland oo god madaw ku soo dhacaysa xilli markii shanaad loo kordhinayo golaha wakiiladda somaliland

madaxwyanaha somaliland ayaa noqonaya madaxwaynihii u horeeyay ee somaliland ah ee ka baqa inuu dalka ka qabto doorashooyin islamarkaana cadaadis xoogan kala kulmaya dalalka somaliland ka taageera doorashooyinka

Isha Ku Hay Baligubadlemedia

COMMENTS