BALIGUBADLE MEDIA
Baligubadleh Caasimadii Hal-ganka Iyo Xornimadoonka Somaliland Iyo 28 Kadib Oo Abaalkeedii La-Xabaalay W/q: Mr. Hamse Bashe (Wiyeer-yare)
December 28, 2018 - Written by admin

Hordhac: Taariikhdu waxay ku beegnayd horaantii 1963kii markii ugu horeysay ee Magaaladda Baligubadle loo magacaabay in ay noqoto Degmo ka tirsan  Degmooyinkii Jamhuuriyadii Soomaaliya, kadib markii 1962kii ay magaladaas ka bilaameen dhaqdhaqaaqyo codsiyo ah oo odayaashii deegaanku ku codsanayeen in Baligubadle looga dhigo Degmo ka tirsan waddanka intiisa kale, waxaanay maamul ahaan ka tirsanayd Gobolka Maroodi-jeex, wakhtigaas oo uu Maroodi-jeex badhasaab ka ah Alla ha u naxariistee Cabdiraxmaan Axmed Cali (Tuure).

Taariikhdu iyadda ayaa is qortee, sidoo kale waxay ku beegnayd intii u dhaxaysey 20kii March ilaa 15kii May 2018kii markii Madaxweynihii wakhtigaas taladda Somaliland hayey Mudane Madaxweyne Daahir Riyaale Kaahin uu ku dhawaaqay 7-gobol oo ku dhex sameeyey 6-dii Gobol ee hore u jiray, halkaas oo Baligubadle ku noqotay magaalo madaxdii Gobolka Hawd.

Hadii aan intaas kaga gudbo sidii Magaaladda Baligubadle u asaasantay iyo taariikhdii ay ku lahayd deegaamaynta Dalka, aan hoos ugu daadego Taariikhdii ay ku lahayd Halgankii iyo xornimodoonkii Somaliland.

Waxay ku beegnayd 28 sano ka hor, 1990-kii wakhtigaas oo Baligubadle lugu doortay Gudoomiyihii 5aad Ururka dhaq-dhaqaaqa Soomaaliyeed ee SNM, iyadoo wakhtigaas loo doortay in uu SNM Gudoomiye ka noqodo Alla ha u naxariistee Cabdiraxmaan Axmed Cali (Tuur), halka ku-xigeena loo doortay Muj. Xasan Ciise Jaamac.

Maanta oo kale 28 sanno ka hor, dagaal gaadmo ah oo labba saacadood socday, ayaa Ciidamadii Dawladdii Somaliya ku qabsadeen, Xaruntii Ururkii Dhaqdhaqaaqa Waddaniga Somaliyeed ee (SNM).oo ahayd Magaalada Baligubadle. Waxay gubeen magaaladdii, waxayna dagaalka ku qabsadeen gaadhigii Gudoomiyihii SNM. Muj:Cabdiraxman Axmed Cali.(Tuur).

Subaxnimadii 30.12.1990, ayaa Guuto ka mida Guutooyinkii SNM, oo ahayd Guutada Koodbuur, oo uu Hogaaminaayey Mujaahid Xasan Maxamed Ubaxle (Xasan Ganey). iyo Ciidan deegaanka ahi, ay labba jiho ka soo galeen magaalada Baligubadle, iyagoo ku guuleystey Ciidankii Somaliya, ee magaalada Qabsaday inay, debeda uga saaraan. Waxaana dagaalkaas ku dhintay Mujaahidiin shan iyo tobban gaadheysa, oo uu ku jiro Muj.Maxamed AW Ismaciil oo ahaa Gudoomiyihii Magaalada Baligubadle.

Haddaba Maanta Waa sidee Magaladii Baligubadleh 28 Sanno kadib? Su’aashan oo aan u banadhigay Qaar kamid ah Dadkii intaas oo dhan ku noolaa magalada ayaa ka muujiyey walaacyo aad u darran, iyo maamul la’aan baahsan oo ka jirta guud ahaan gobolka Hawd gaar ahaan Magalada Baligubadle.

Dadka aan weydiiyey waxay ii sheegeen in Kabayaashii dawladu uu meesha kamaqanyahay, isla markaana waxay cadeyeen in Dawladu Hal saldhig, laba dugsi iyo hal MCH oo caafimaadka ah ka hirgelisay, laakiin ay iska ilowday dhamaan daruuriyaadkii kale ee Nolosha oo ay ugu Muhiimsanyihiin Biyaha iyo Daaqa oo Dadka degaanku Badi ay u badanyihii Beeralay iyo Xoolo dhaqato.

Dadka degaanka ayaa ku dhawaaqay Muddo sanaddo badan laga joogo in ay dhisaan waddada u dhaxaysa Baligubadleh iyo Caasimada Somaliland Ee Hargeysa, Laakiin intii taaktooda ah markii ay ku guulaysteen ayaa meesha waxaa ka baxay balanqaadyo dhowr ah oo Dawlada iyo Madaxweynihii hore Axmed Maxamed Maxmuud Siilaanyo ay kaga dhawaaqeen baligubadle dhexdiisa.

Ilaa Hadda Baligubadle kama muuqadaan astaamo sheegaya In Xukumadihii kala dambeeyey ee Axmed Siilaanyo Iyo Dalwaddan hadda ee Madaxweyne Muuse Biixi ay ka hirgeliyeen, Waxaa kajira Khilaafyo baahsan oo badiba soo kala dhex gala, qaybaha sar sare ee Dawlada ka jooga oo u badan dad iska shaqaysato ah, oo ku kala baahsan gobolada kale ee Somaliland.

Baligubadle waxaa kuyaaley Kastam ay kasoo Xaroodaan dhaqaalaha iyo Takhliga gobolka hawd ku shaqeeyo, Laakiin Muddo sanado laga joogaba ma shaqaynin Kadib markii Xukumaddii hore ee Madaxweyne Siilaanyo u wareejisay Kastamkii Gobolo kale, Isla markaana kala dirtay Shaqaalihii joogay.

Magaaladan Taariikhda iyo Ilbaxnimada weyn kuleh dib u Xorayntii Somaliland, Isla markaana ahayd 28 sanno kohor maanta oo kale magaalo la aqoonsanyahay wakhtigaasna lagaga sheekaysan jiray Villa Somaliya ayaan Maanta lugu soo Hadal qaadin Madaxtoyada Somaliland.

Dad da’a ah oo aan la kulmay ayaa ii sheegay in Caruurtoodii oo Xiligaas ahaa kuwo mudakiriin caqli wanaag lasoo barbaaraya ay ku waayeen dagaladii ka dhacay baligubadle, kuwaas oo ku cataabay In dawladii Axmed siilaanyo iyo Dawladan Madaxweyne Muuse Biixi aanay waxba ka qaban baahiyahooda.

LASOCO QAYBTA XIGTA

Wabilahi tawfiiq.

Mr. Hamse Bashe (Wiyeer-yare)

Qoraa / Saxafi madax banaan

E-mail: [email protected]

www.wiyeeryare.blogspot.com

www.twitter.com/wiyeeryare

www.facebook.com/wiyeeer

Hargeysa -Somaliland

COMMENTS